Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo ka qeb galay munaasabad ay ku qalin badalanayeen arday dhameysatay heerka 1aad ee Jaamacadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo ka qeb galay munaasabad ay ku qalin badalanayeen arday dhameysatay heerka 1aad ee Jaamacadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, xubno ka tirsan Maamulka Dhuusamareeb, waalidiin, macalimiin, aqoonyahanno mas’uuliyiin ka socotay bahda Waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabad ay ku qalin badalanayeen arday dhameysatay heerka koowaad ee Jaamacadda Plasma faraceeda Galgaduud, kaasi oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah ardayda dhameysatay heerka 1-aad ee Jaamacadda oo bartay kuliyado kala duwan ayaa si wada jir ah u xusay muhiimadda Waxbarashada ay u leeday bulshada, ayna diyaar u yihiin inay sii kororsadaan aqoontooda.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Axmed Muxudiin Hiraabe Maamulaha Jaamacadda Plasma faraceeda Galgaduud ayaa waalidiinta uga mahadceliyay dadaalka ay carruurtooda ku bixiyeen sidii ay heerka maanta u soo gaari lahaayeen, waxaana uu ardayda kula dar daarmay inay joogaan bilowga waddadii ay guusha ku gaari lahaayeen.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Plasma Prof Cusmaan Sheekh Aadan Xeydare ayaa ugu hambalyeeyay  ardayda munaasabada qalinjabinta ee heerka 1-aad oo ay nasiib u yeesheen in ay ku qaataan deegaankooda, iyagoo noqonaya dufcadii 7-aad ee ka baxda faraca Jaamacadda ee Galgaduud.

Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow Guddoomiyaha Dhuusamareeb ayaa Maamulka Jaamacadda uga mahadceliyay xafladda dhiiri gelinta ah ee ay u sameeyeen ardayda baratay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, isagoo intaa ku daray inay garab taaganyihiin sidii loo marin lahaa tacliinta sare ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Dhoore ayaa u soo jeediyay ardayda dhameysatay heerka 1-aad ee Jaamacadda inay sii wadaan dadaalkooda Waxbarasho, waxaana uu balan qaaday in ka Wasaarad ahaan ay garab istaagayaan bahda Waxbarashada.

Previous Post

Saraakiisha Maxkamadda Darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27aad oo si diiran loogu soo dhaweeyay Doolow “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland oo lagu aasay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland oo lagu aasay Garoowe “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland oo lagu aasay Garoowe “SAWIRRO”

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In