Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo ka qeb galay munaasabad ay ku qalin badalanayeen arday dhameysatay heerka 1aad ee Jaamacadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo ka qeb galay munaasabad ay ku qalin badalanayeen arday dhameysatay heerka 1aad ee Jaamacadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, xubno ka tirsan Maamulka Dhuusamareeb, waalidiin, macalimiin, aqoonyahanno mas’uuliyiin ka socotay bahda Waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabad ay ku qalin badalanayeen arday dhameysatay heerka koowaad ee Jaamacadda Plasma faraceeda Galgaduud, kaasi oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah ardayda dhameysatay heerka 1-aad ee Jaamacadda oo bartay kuliyado kala duwan ayaa si wada jir ah u xusay muhiimadda Waxbarashada ay u leeday bulshada, ayna diyaar u yihiin inay sii kororsadaan aqoontooda.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026

Axmed Muxudiin Hiraabe Maamulaha Jaamacadda Plasma faraceeda Galgaduud ayaa waalidiinta uga mahadceliyay dadaalka ay carruurtooda ku bixiyeen sidii ay heerka maanta u soo gaari lahaayeen, waxaana uu ardayda kula dar daarmay inay joogaan bilowga waddadii ay guusha ku gaari lahaayeen.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Plasma Prof Cusmaan Sheekh Aadan Xeydare ayaa ugu hambalyeeyay  ardayda munaasabada qalinjabinta ee heerka 1-aad oo ay nasiib u yeesheen in ay ku qaataan deegaankooda, iyagoo noqonaya dufcadii 7-aad ee ka baxda faraca Jaamacadda ee Galgaduud.

Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow Guddoomiyaha Dhuusamareeb ayaa Maamulka Jaamacadda uga mahadceliyay xafladda dhiiri gelinta ah ee ay u sameeyeen ardayda baratay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, isagoo intaa ku daray inay garab taaganyihiin sidii loo marin lahaa tacliinta sare ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Dhoore ayaa u soo jeediyay ardayda dhameysatay heerka 1-aad ee Jaamacadda inay sii wadaan dadaalkooda Waxbarasho, waxaana uu balan qaaday in ka Wasaarad ahaan ay garab istaagayaan bahda Waxbarashada.

Previous Post

Saraakiisha Maxkamadda Darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27aad oo si diiran loogu soo dhaweeyay Doolow “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland oo lagu aasay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland oo lagu aasay Garoowe “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland oo lagu aasay Garoowe “SAWIRRO”

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In