Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka waxbarashada oo furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaranka+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka waxbarashada oo furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaranka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaraanka.

Tababarka ayaa loo furay ku dhowaad 200 bare oo loogu tala galay in ay sii tababaraan Macallimiinta Iskuullada ku yaalla Gobalka Banaadir .

Tababarka barayaashan oo socon doona mudo 10 Maalmood ah ayaa waxaa bixin doona aqoonyahanno qibrad dheer  u leh tababarka Macallimiinta Dugsiyada.

Macallimiinta ayaa lagu tababari doonaa Manhajka ay dhowaan diyaarisay Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, oo ka kooban Fasallada 1-aad illaa 8-aad.

Wasiir; Goodax, ayaa sheegay si Manhajka ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya  loo gaarsiiyo Dalka oo dhan, in ay ka go’an tahay in ay soo saaraan Macallimiin u tababaran.

“Maanta waxaan  furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaraanka oo ahmiyad gaar ah u leh horumarinta waxbarashada Dalka,Manhajka lagu tababarayo Macallimiinta waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa tayada waxbarashada Soomaaliyeed” ayuu yiri, Wasiir, Goodax.

Wasiirka ayaa sheegay in tayada waxbarashadu ay ka kooban tahay Macallinka  iyo Manhajka, balse loo baahan yahay in la helo kormeer adag oo hubiya, si loo ogaado in ay si wanaagsan isula  taabba qaadeen, isagoo intaa raaciyay in Dugsi kasta iyo hay,ad walba Fasallada 1-aad illaa 8-aad ay qasab ku tahay in ay ku shaqeeyaan Manhaj ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada.

Previous Post

Wasiirka shaqada oo kormeeray xarunta Guddiga shaqaalaha Rayidka+Sawirro

Next Post

Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo La Kulmay Bulshada Deegaanka Huurshe

Next Post
Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo La Kulmay Bulshada Deegaanka Huurshe

Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo La Kulmay Bulshada Deegaanka Huurshe

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la...

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In