Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.

Danjiraha dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Cali Daahir, Qunsulka ahna ku-xigeenka safiirka Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur iyo diblomaasiyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay Wasiirka xarunta Safaaradda.

Related posts

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026

Wasiirka ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay sidoo kale waxaa uu mid mid u booqday dhammaan xafiisyada ay ka kooban tahay Safaaradda.

Intaasi kadib Danjire Axmed Cali Daahir ayaa warbixin guud ka siiyay xaaladaha kala duwan ee waddanka Hindiya iyo sida uu yahay xiriirka labada dal iyo wada shaqeynta ka dhexeysa hey’addaha kala duwan.

Dalka Hindiya waxa uu ka mid yahay dalalka ugu badan oo ay dadka Soomaaliyeed u doontaan adeegyada kala duwan sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo ganacsiga. Wasiirka Faarax Sheekh ayaa maalmaha soo socda dalka Hindiya u sii joogi doona hawlo shaqo.

Previous Post

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Somaliland oo la kulmay Marwo Anita Kiki Gbeho

Next Post

Tartamayaasha Degmada Xamar jajab oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Xamar jajab oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Xamar jajab oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In