Thursday, May 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay shirka Wasaaradaha Waxbarashada ee ka furmay Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay shirka Wasaaradaha Waxbarashada ee ka furmay Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12ka Luulyo 2021 magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ka daah furay shirka Wasaaradaha Waxbarashada Dawladda Federalka, Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ku saabsan sidii la’isaga kaashan lahaa horumarinta iyo tayeynta Waxbarashada dalka, loona xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Wasaaradda Waxbarshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Agaasinka Waxbarshada Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, waxaana si gaar ah loogu falanqeyn doonaa yagleelidda Golayaasha Horumarinta Manhajka iyo Imtixaanaadka iyo madasha iskaashiga Wasaaradaha Waxbarashada Dawladda Federaalka, Dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026

Kulankan waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullahi Abuukar Xaaji, Cabdullahi Carab waxaana uu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in dalku yeesho Manhaj mideysan oo tayo leh, si ubadka Soomaaliyeed u helaan waxbarasho tayo leh oo xambaarsan falsafad, dhiri-gelineysana xirfadaha nolosha iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay dhammaan Wasiirada Waxbarashada Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ballan qaaday inay ka go’an tahay horumarinta iyo tayeynta Waxbarashada, waxayna uga mahad celiyeen Wasaaradda Waxbarashada Heer federaal oo soo qaban-qaabisay kulanka iyo Dawladd Goboleedka Puntland  oo martigelisay shirka.

Previous Post

Muwaadiniin Soomaali ah oo ku dhintay rabshado ka dhacaya dalka Koofur Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga Sare ee la socodka doorashooyinka Soomaaliya oo tababar loogu qabtay Garowe “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga Sare ee la socodka doorashooyinka Soomaaliya oo tababar loogu qabtay Garowe “SAWIRRO”

Guddiga Sare ee la socodka doorashooyinka Soomaaliya oo tababar loogu qabtay Garowe “SAWIRRO”

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In