Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo madaxda Hindiya kala hadlay kordhinta deeqaha Waxbarasho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo madaxda Hindiya kala hadlay kordhinta deeqaha Waxbarasho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa kulamo kala Duwan laqaatay Hey’adaha waxbarashada iyo Madax ka tirsan Dowladda Hindiya.

Wasiirka oo ay wehlinayaan Safiirka Safaaradda Soomaaliya dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir iyo Qunsulka ahna Ku-xigeenka Safiirka Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur ayaa kulan gaar ah laqaatay Dr. Pradeep Rajpurohit. Xoghayaha Guud (Galbeed Aasiya, Waqooyiga & Bariga Afrika), ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Dowladda Hindiya.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

March 14, 2026
DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

March 14, 2026

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashi dhinacyo badan ah.

Dhanka kale Wasiirka ayaa kulan laqataay Indian Council for Cultural Relations (ICCR) oo ah Hey’adda u qaabilsan Deeqaha Waxbarashada ee caalamka dowladda Hindiya siiso.

Soomaaliya waxa ay ka midtahay dalalka ka faa’iideysta Deeqaha kala duwan ee Waxbarashada dalkan Hindiya.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa kala hadlay sidii loogu kordhin lahaa qoondada Soomaaliya iyo in labada dowladood ay iska kaashadaan hubinta deeqahaas Waxbarasho iyo in sidii loogu talagalay looga faa’iideysto.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Kulan laqaatay Indian institute of techbology Delhi (IIT)  oo uu kala hadlay sidii ay Soomaaliya uga caawin lahayeen xirfadaha kala duwan oo uu dalkeena aad ugu baahan yahay sidoo kale  tignoolajiyadda iyo seyniska casriga ah in ay bartaan ardayda Soomaaliyeed ayna helaan tababaro ku filan xiliga waxbarashada.

Dalka Hindiya waxaa uu ka mid yahay dalalka ugu badan ee ay dadka Soomaaliyeed u soo doontaan adeegyada kala duwan sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo ganacsiga guud.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xerada Hiil-weyne oo lagu diraaiyay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka

Next Post

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa u gudbay wareegga 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa u gudbay wareegga 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa u gudbay wareegga 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada...

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo sheegay in dagaallada ka socda Bariga Dhexe ay kaga sii dareen xaaladdii abaarta...

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda  Qatar u fadhiya Soomaaliya,...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraar uu meel mariyay Baarlamaanka gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In