Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta Degmada Hol-wadaag ee Gobalka Banaadir ka dhagax dhigay dugsiga sare oo ay wax ku baran doonaan ardayada degan howlwadaag.
Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa ka qeyb galay munaasabadda xariga looga jarayay iskuulladda hoose dhexe ee howlwadaag iyo Xassan Qariidi, waxana ku wehlinaya Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Madaxa Midowga Yurub Pinji Gardiyola, madax ka socotay hay’adda Adra iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda.
Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay horumarinta waxbarashada dalka iyo in dib loo soo celiyo dugsiyadii burburka uu soo gaaray.
Madaxa Midowga Yurub Pinji Gardiyola ayaa sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan horumarinta Waxbarashada Soomaaliya, waxana u mahad celiyaya Xukumadda Soomaaliya oo uu shegay in ay ku dadaashay kor u qaadista Waxbarshada Soomaaliya.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ahmiyadda koowaad la siinayo horumarinta Waxbarshada dalka, isla markana loo baahanyahay in lasoo saaro macalimiin tayo leh si ardayda Soomaaliyeed ay heer u gaaraan.
Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in gacanta dowladda dib loogu soo celiyo iskuuladii dowladda, isla markaana kor loo qaado aqoonta macalimiinta iyo tayeynta Waxbarashada.