Wasiirka waxbarashada XFS Mudane Faarah Sheekh Cabdulkadir ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sidii wax loogu qaban lahaa carruurtii ay ka tageen marxuumintii ku geeriyootay weerarkii Khawaarijta ee dhowaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka oo la hadlay qaar kamid ah ehelka dhibanayaashii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay agagaarka Soobbe ayaa sheegay in wasaaradda waxbarasha ay u howlgaleyso daryeelka carruurti ay ka tageen waalidiintii ku dhintay qaraxaasi.
Wasiirka waxbarashada XFS Mudane Faarah Sheekh Cabdulkadir,ayaa caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ay Xaq u leedihiin in laga difaaco waxyeelada kooxaha nabad-diidka,isla markaana laga qabto falalka guraca ee ay caadeysteen kooxahaasi.
Mudane Faarah Sheikh Cabdulkadir,ayaa qiray in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sifeynta iyo la dagaalanka kooxaha khawaarijiinta iyo in ay u aarto dhibanayaasha faraha badan ee ku dhintay ama ku dhaawacmay ama ku hanti beelay qaraxyada iyo weerarada ka yimid kooxaha argagixisada.
,Ugu dambeyntii,Wasiirku,waxa uu Alle ka baryay in dadkii ku shahiiday qaraxii Soobe uu ka waraabiyo janatul fardowsa,eheladii iyo qaraabadii ay ka tageenna waxa uu faray samir iyo iimaan.