Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Bare oo safar shaqo ku jooga magaalada Ankara ee Dalka Turkiga oo uu wehliyo Danjiraha Safaaraadda Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Maxamed Caydiid iyo Uqaybsanaha Waxbarashada ee Safaaradda Cabdicasiis Cabdiraxmaan Xasan ayaa kulan la qaatay Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (YOK).
Wasiirka ayaa sheegay in uu ka la hadlay Guddoonka Guddiga YOK Aqoonsiga Jaamaacadaha Dalka Soomaaliya oo aysan horay u Aqoonsanayn qaar kamid ah Jaamacahadaha ay wax ka soo baratateen ardayda Soomaaliyeed oo aysana u suurta galin in ay sii wataan waxbarashadooda heerka labaad ee Jamacada gudaha dalka Turkiga maadaama aanan la aqoon sanayn Jaamacaadahas oo aysan Aqbalin Jaamacadaha ku yaala dalka Turkiga Ardaydii u timid in ay wax ka bartaan.
Sidoo kale waxay ka wadahadleen Guddoonka Guddig Arrimaha Ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarata Dalkan Turkiga oo ay saamaynta ku yeelatay Afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga 2016 in ardaysaas la siiyo deeqo waxbarsho si ay usii wataan waxbarashadooda .
Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka codsaday in Guddoonka Guddiga YOK ay tababaro siiyaan macalimiinta dugsiyada Sare ee Farsamada sida dugsiga sare ee farsamada gacanta , korantada, Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga, tasoo ay ku howlaneed Wasaaradda Waxbaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare sidii ay u hirgalin lahaayeen dugsiyadaas sare ee farsamada.