Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo diyaarado waday deeq raashin ah gaarsiiyay Degmada Diinsoor “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo diyaarado waday deeq raashin ah gaarsiiyay Degmada Diinsoor “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa safar  kooban  oo u jeedkiisu ahaa garab istaaga dadka danta yar ku tagay Degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa seddex diyaaradood oo waday deeq raashin ah oo ka kooban labaatan tan, isla markaana ay si wadjir ah ugu deeqeen Wasiirka iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) gaarsiiyay dadka shacabka ah ee ku dhibaateysan Degmada Diinsoor ee gobolka Baay oo ay go’doomiyeyn kooxda nabadiidka ah ee Al-Shabaab.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo dadka danta yar  garsiiyay raashin isugu jira Bariis, Sonkor, Bur iyo Saliid  ayaa ku baaqay in la garab istaago dadka reer  Diinsoor oo uu sheegay inay u baahanyihiin gargaar dhab ah, maadaama ay ka jiraan xaalad beni’aadannimo.

Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Cabdisalaan Xaaji Siidow iyo qaar ka mid ah qoysaska danyarta Deegaanka ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wasiirka, deeqdan raashinka ah oo ay sheegeen inay kusoo aaday xilli aad loogu baahnaa.

Dhinaca kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha  Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa kulan la qaatay saraakiisha AMISOM iyo Ciidamada Daraawiishta Koonfur galbeed kuwaas oo dowaladda Soomaaliya ka codsaday in la qarameeyo oo ay xuquuq yeeshaan, Wasiirka ayaana dhankiisa ciidamada ku booriyay dadaallada nafhurnimada leh oo ay ku difaacayaan dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn Wasiirka Xanaanada Xoolaha  Soomaaliya ayaa aragtidooda iyo baahiyaha jira ka wareystay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Diinsoor, wuxuuna u ballanqaaday inuu baahiyahooda u gudbin doono Madaxda sare ee dalka.

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo kulan la qaatay dhallinyarada Beladweyne “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka xoogga dalka oo ka hortagay qorshe ay argagaxisadu ku qal qalin rabtay amaanka Dhuusamareeb

Next Post
Ciidanka xoogga dalka oo ka hortagay qorshe ay argagaxisadu ku qal qalin rabtay amaanka Dhuusamareeb

Ciidanka xoogga dalka oo ka hortagay qorshe ay argagaxisadu ku qal qalin rabtay amaanka Dhuusamareeb

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In