Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo safar shaqo u jooga dalka Talyaaniga ayaa la kulmay Madaxa horumarinta Xoolaha iyo Wax-soosaarkooda ee Hay’adda FAO waxeyna ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa caafimaadka Xoolaha, hagaajinta Calafka iyo cuntadooda.
Sidoo kale waxey ka wada Hadleen labada dhinac hagaajinta caafimaadka mideysan ( One Health) iyo sidii loo dardar-galin lahaa wax ka qabashada waxyeelada Cimilada saameynta ku leh Xoolaha iyo wax soo-saarkooda.