Shirkan oo socday muddo seddex cisho ah ayey ka qeyb galayaashu isku weedaarsadeenย fikrado iyo doodo ku saabsan qaabka ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo xoolaha oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee dalkeena iyo dadkeenuba ay ku tiirsanyihiin.
Shirka oo uu horey u daahfuray Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyreย ayaa waxaaย gabagabadiisa goob joog ka ahaa Wasiiradaย Xanaanada xoolaha ee heer Federaal iyo heer maamul Goboleed, Xoolo dhaqato, Aqoonyahano, ganacsatada xoolaha iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen oo shirka soo xiray ayaa sheegay in laga billaabo maanta ay u hawlgeli doonaan sidii macluumaadkii la ururiyey saddexda maalin ay ugu dari lahaayeen istaraatiijiyadda.
Mudane Xuseen Maxamud Sheekh XuseenWasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale tilmaamay in qodabada muhiimka ah ee shirka kasoo baxay ay horgeyn doonaan Golaha Wasiiradda si ay u meel mariyaan, isla markaana ay u noqoto istaraatiijiyad dhameystiran.