Tuesday, June 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Talyaaniga oo la maxkamadeenayo

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Talyaaniga oo la maxkamadeenayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

DFS oo soo dhaweysay Is afgaradka u dhexeeya Dowladaha Mareykanka Iiraan

DFS oo soo dhaweysay Is afgaradka u dhexeeya Dowladaha Mareykanka Iiraan

June 23, 2026
IGAD oo ku baaqday Ixtiraamka Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

IGAD oo ku baaqday Ixtiraamka Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

June 23, 2026

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Talyaaniga ahna hoggaamiyaha midigta-fog Matteo Salvini ayaa shalay maxkamad lasoo taagay sababo la xiriira tuhun ku saabsan inuu xanibaad sharci-darroo ah ku sameeyey in 147 qof oo muhaajiriin ah laga soo djeiyo markab soo bad-baadiyey, islamarkaana uu xaalad liidata ku hayey.

Salvini ayaa ka qeyb-galay dhageysiga furitaanka makxamadda ee magaalada Palermo ee gobolka Sicily.

Salvini oo hoggaamiya xisbiga midigta-fog ee League, islamarkaana caan ku ah siyaasaddiisa “Marka hore Talyaaniga” ayaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin afduub iyo ku xadgudub awood xafiis, isaga oo u adeegsaday xilkiisa wasiirka arrimaha gudaha inuu 147 muhaajiriin ah ku xabisay badda, bishii August 2019.

Salvini oo 48 jir ah ayaa sheegay in go’aankaas uusan aheyn mid uu kaligiisa gaaray balse ay isku raacday dowladda oo dhan, oo uu ku jiro ra’iisul wasaarihii xilligaas Giuseppe Conte.

Dacwad-oogayaasha ayaa dalbaday marqaatiyaal ay ku jiraan Conte, wasiirka arrimaha gudaha iminka Luciana Lamorgese iyo wasiirka arrimaha dibadda Luigi Di Maio.

Salvini ayaa soo tweet gareeyey sawirkiisa isaga oo dhex jooga maxkamadda.

“Halkani waa maxkamadda xabsiga Palermo. Maxkamadeynta ay doonayaan kooxaha bidixda iyo taageerayaasha muhaajiriinta sharci-carrada ah ayaa billaabatay. Imisa lacag ayaa uga bixi doonta shacabka Talyaaniga,” ayuu yiri.

Dibadda maxkamadda, ayaa aas-aasaha iyo agaasimaga hay’adda Spanish-ka ah ee Open Arms oo maamuleysay markabka wuxuu sheegay in maxkamadda aysan dhiiri-gelin siyaasad.

“Badbaadinta dadka ma ahan dambi, balse waa waajib aan saarneyn kaliya kabtanada maraakiibta balse sidoo kale dal oo dhan,” ayuu yiri Oscar Camps.

Previous Post

Udiyaar Garowgii ugu danbeeyay ee Doorashada  GD Puntland oo heer geba gabo ah maresa

Next Post

Arday deeq waxbarasho ka heshay Jaamacaddo ku yaala dalka Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay dalkaas

Next Post
Arday deeq waxbarasho ka heshay Jaamacaddo ku yaala dalka Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay dalkaas

Arday deeq waxbarasho ka heshay Jaamacaddo ku yaala dalka Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay dalkaas

DFS oo soo dhaweysay Is afgaradka u dhexeeya Dowladaha Mareykanka Iiraan

DFS oo soo dhaweysay Is afgaradka u dhexeeya Dowladaha Mareykanka Iiraan

June 23, 2026
0

Muqdisho, June 23, 2026: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa Isfahamka iyo Is afgaradka (Memorandum of Understanding) ee u dhexmaray...

IGAD oo ku baaqday Ixtiraamka Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

IGAD oo ku baaqday Ixtiraamka Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

June 23, 2026
0

Jabuuti – 18 Juun 2026: Xoghaynta Urur-Goboleedka IGAD (Intergovernmental Authority on Development) ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
0

Nairobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ku guda jira dardargelinta howlaha diyaarinta maalmaha Xorriyadda,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In