Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro cusub oo maanta la wareegay xilalkooda “SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiiro cusub oo maanta la wareegay xilalkooda “SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadani uu xilka kula wreegayay wasiirka cusub ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Saciid Xueen Ciid ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana goobjoog ahaa xubo ka tirsan labada gole ee dowladda, guddigii ay Xukuumadda u xilsartay ka qeybgalka munasabadaha xil wareejinta iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabeyre oo munasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaanada wada shaqeynta dhexmartay, isagoo kan cusub ka codsaday in xoolaha Soomaaliya loo iib geeyo Suuqyada caalamka.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax oo isna munaasabada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahanyahay in Wasaaraddu ay soo kordhiso daqli cusub.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow ayaa ka sheekeeyay Waxyaabihii u qabsoomay, isagoo howlwadeenada ka codsaday in ay la shaqeeyaan Wasiirka cusub.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa xukumada soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in uu howsha halkiisa ka sii wadi doono, isla markaana uu balanqaadayo in uu dadaal badan ku bixinayo sidii loo hormarinlaha xoolaha dalkeena somaaliyeed.

Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee xukuumada Soomaaliya ayaa looga fadhiya sidii ay uu kobcinlaheed iib-geyta Suuqyada caalamanka xoolaha Soomaaliya.

Sidoo kale munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed CumarCeymoy,waxaana munaasabadaasi ka qeybgalya ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, Hanti Dhowrka guud ee Qaranka iyo Wasiirka ku xigeenkiisa.

Sii-hayihii xilka Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maadaama uu geeriyooday Allaha u naxriistee Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Mudane C/casiis Cumar Maxamed “Lafta-Gareen” ayaa sheegay in Wax qabadka Wasaaradda ay kamid aheyd in Soomaaliya ay kamid noqotay urur Caalami ah oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 130 dal kaas ka shaqeeya horumarinta arrimaha Kaluumeysiga.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ay ku guulesytay in Baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyo Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya kaas oo ay diyaariyeen khubaro ay Wasaaradda u igmatay.

Sidoo kale munaasabad taa lamid ah oo uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan, waxaana munaasabadaasi ka qeybgalay mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Wasiirkii hore Wasaaradaasi Mudnae Khaalid Cumar Cali ayaa xilka wasaaradda si rasmi ah ugu wareegiyay wasaaradda Cusub.

Dhinaca kale muaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin uu kamid yahay Hanti Dhowrka guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale iyo mas’uuliyiin kale.

Geesta kale Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska Eng Saalax Sheekh Cismaan Muuse ayaa maanta xilka wasaaradda kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Eng Nadiifo Maxamed Cismaan ka dib munaasabad ay ka qeybgaleen mas’uuliyin dowladda Soomaaliya ka tirsan.
IMG_3436

IMG_3441

IMG_3446

IMG_3448

IMG_3453

IMG_3454

IMG_3457

IMG_3465

IMG_3480

IMG_3487

IMG_3491

IMG_3504

IMG_3510

IMG_3516

IMG_3518

IMG_3524

IMG_3527

IMG_3535

IMG_3538

IMG_3541

IMG_3545

IMG_3552

IMG_3575

IMG_3632

IMG_3666

IMG_3672

IMG_3673
DSC05723

DSC05738

DSC05741

DSC05743

DSC05746

DSC05747

DSC05749
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha

Wasiirka ganacsiga

SAWIR QAADE: QADAR CALI NUUR

Previous Post

Ku-simaha RW ayaa ka tacsiyeeyey Dilkii loo gaystay Saraakiil ka tirsan Maamulka Garoonka Diyaaradaha

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay kulanka guddigga qaban qaabada xuska 21-ka Fibraayo” SAWIRO”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay kulanka guddigga qaban qaabada xuska 21-ka Fibraayo” SAWIRO”

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay kulanka guddigga qaban qaabada xuska 21-ka Fibraayo” SAWIRO”

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In