Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay saameynta Maandooriyaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiiro iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay saameynta Maandooriyaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Doodishe,  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala Iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay Madal lagu soo bandhigaayay (SAAMEYNTA UU MAANDOORIYAHA KU LEEYAHAY DHALLINYARADA IYO BULSHADA GOBOLKA BANAADIR). Daraasadan ayaa waxaa sameeyay Xarunta Hiil oo kaashaneysa Maamulka Gobolka Banaadir.

Madasha waxaa kaloo ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Cilmi-baare Axmed Maxamed Xuseen iyo xubno kale.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ayaa wax ay si weyn u falan-qeeyeen dhibaatada Maandooriyaha uu ku haayo Bulshada, gaar ahaan dhallinyarada iyo Saameynta dhinaca Amniga, Waxbarashada iyo Caafimaadka, waxaana ay ku baaqeen in si wada jir loola dagaalamo Maandooriyaha.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo dhankiisa ka hadlay madasha ayaa sheegay in waqtigiisa ugu badan uu ku bixiyay La-dagaallanka Maandooriyaha, si bulshada Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhallinyarada Caasimadda loogu badbaadiyo dhibaatada Maandooriyaha.

Sidoo kale Duqa Muqdisho waxa uu sheegay in Diinteena ay na fareyso in lala dagaalo Maandooriyaha oo iyadu sababta Amni darro, Anshax xumo iyo in qofka istecmaala maandooriyaha uu ka tago mabaa’dii fara badan oo qofka islaamka waajib ku ah. Waxaa uuna xusay in uu sii wadi doonno dagaalka ka dhanka ah Maandooriyaha si loo badbaadiyo mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed.

Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal ka tirsan Mamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, qeybo ka tirsan Dhallinyarada Gobolka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Caasimadda.














Previous Post

Guddoomiye Sheekh Aadan oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay Madaxda Hay’adaha QM ee IOM, FAO iyo UNHABITAT

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay Madaxda Hay’adaha QM ee IOM, FAO iyo UNHABITAT

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay Madaxda Hay’adaha QM ee IOM, FAO iyo UNHABITAT

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In