Saturday, June 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka qeyb galay xuska 15 ka May oo xalay lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiiro iyo Xildhibaanno ka qeyb galay xuska 15 ka May oo xalay lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay qayb ka ahayd munaasabadaha xuska iyo weyneynta 72 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ururkii dhallinyarada Gobanimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL oo sanad kasta 15 bishaan loo dabaal dago, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

munaasabadda oo uu soo qaban qaabiyay ururka dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa mas’uuliyiinta ka qayb gashay ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Axmed Cali Daahi, Wasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta ahna mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

June 20, 2026
Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

June 20, 2026

Guddoomiyaha ururka dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed Faadumo Cabdi Warsame oo hadalka soo dhaweynta ah qaadatay ayaa waxa ay ka hadashay muhiimadda maalintani oo kale ugu fadhiso dhallinyarada Qaranka, waxaana ay codsatay in dhallinyarada xabsiyada ku jira dib loo eego.

“Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ku jiraan xabsiyada, waxaa ay ahayd in ay nala joogaan caawa, qaarkood dambiilayaal maahan, dambiyo iyagu aysan lahayn ayay u xiranyihii,  waxaan diyaar u nahay caawa idinka in aad waqtigiina u hurtaan  in la helo guddi arintaas daba gal ku sameeya,  ”ayay tiri Faadumo.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ah mas’uul saaxiib dhaw la ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu bogaadiyay dhallinta in fursada qaaliga ah ee hortaala ay ka faa’iideestaan oo isku duubni muujiyaan.

“Anigu runtii dhallinyarada Aad iyo Aad ayaan u taageersanahay,  waxaan leeyahay mustafbalka dalkaa tihiin,  maanta fursadaa haysatiin,  gudoomiyahaa idiin sheegtay guddoomiyaha waxa ay sheegtay waa run, dalkaan adinkaa mustaqbal u ah, adinkaa ugu badan, waa in aad qayb ka noqotiin hay’adaha hadda la sameynayo, in aad qayb ka noqotiinaa loo baahanyahay doorashooyinka xorta ah ee dalkeena ka dhacaya 2016 one Man one Vote”ayuu yiri Dhuxulow .

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Axmed Cali Daahir oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka qayb gashay munaasabada ayaa waxaa  uu sheegay in xafiiskiisu uu muhiimad weyn siinayo dhallinyarada

“Sideed iyo toban dhalinyaro ah oo lix gabdhood ku jirto oo qofka ugu weyn uusan sodon gaarin ayaa xafiiska jooga, ayaga haday dhallinyara xaquuqdooda raadin waayaan aniga ha I weydiinin nin cira lahna ha weydiinin 96 qof ayaa ka shaqeysa xafiiska isku dar markii aan imaanayay 38 qofbaay ahaayeen 96 daas runtii 60% waa gabdho” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka,

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) waxaa uu ku amaanay garab istaagooda dhallinyarada iyo sida ay muhiimada weyn u siiyeen xuska 15 ka May, waxaana uu dhallinyarada u sheegay in  colaadii laga gudbay dhallintuna hormuud ka tahay  horumarka dalka.

“Waxaan sidoo kale aan doonaya in aan hortiina ugu hambalyeeyo Madaxda Qaranka sida qiimaha leh oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay gacan u siiyeen, waxana jeclahay in uu qaato tixgelinta la siiyay abaalkeeda u yahay in uu mashaqada ka leexdo, wadanka intii mashaqo ka jirtana uu badbaadiyo, waxaan rabaa in aan u sheego dhallinyarada in aanu ka baxnay colaadii waxaa nagu dhiman ay yihiin fekerkii colaada keenay in la dabar jaro iyo in muruqeyna aanu isticmaalno” ayuu yiri Wasiirka dhallinyarada.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo gabagabadii ka hadlay ayaa waxaa uu ka codsaday dhallinyarada in ay dowladda gacan ku siiyaan sidii nabad diidka looga sifeyn lahaa dalka, isagoo u soo jeediyay Al-Shabaab in ay nabada qaataan.

“Intiina hadaad nala tagtaan way iska cararayaan, wiilashaanu dowladdu in ay tahay dowlad wanaagsan intaani oo dhami aan leenahay Cali Dheerow way kuu furantahay in aad timaado Ilaaha idinku dhaarshey, miyaanay astaamaha arkaynin in dowladdu ay tahay dowlad fiican waxaan leeyahay iska imoow kuuma diidanin, hadee wixii xun waa la diidi,  taad beni’aadamku saakuu kaga duwan yahay xawyaanku, dhallinyardiina idinka waad soo heli kartiin in aad tiraahdaan war maxaa dan ah kuugu jirta, in aad dad disho ama lagu dilo, waxaan diin ma ahan mabaadi’ ma ahan dadnimo, ma ahan ilma adeerayaalow nala raadiya dadkan guriyaha ugu taga adinkaa yaqaane oo u caqli celiya” ayuu Wasiir Maareeye hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

 

1 2 4 5 6 7 8 9

Sawir Qaade:- Axmed Cali Kaahiye

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Madaxda dalka Shiinaha kala hadashay wax u qabashada Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Madaxda dalka Shiinaha kala hadashay wax u qabashada Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Madaxda dalka Shiinaha kala hadashay wax u qabashada Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

June 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka...

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

June 20, 2026
0

Wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS mudane Abuka Jeylaani Sheekh ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Guud...

Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay

Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay

June 20, 2026
0

Waxaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay Gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano, kuwaas oo ka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa saaka magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daahfuray Imtixaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In