Tuesday, September 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro Iyo Xildhibaanno Ka Qeyb Galay Xuska Maalinta Xanuunka Dhimirka Adduunka Oo Lagu Qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 10, 2020
in Wararka
0
Wasiiro Iyo Xildhibaanno Ka Qeyb Galay Xuska Maalinta Xanuunka Dhimirka Adduunka Oo Lagu Qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu weynaynayay xuska maalinta xanuunka dhimirka adduunka oo uu soo qaban waabiyay Maamulka Isbitaalka Dr Xabeeb, kaasi oo lagu qabtay Masraxa xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Xafladda ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Saraakiisha ciidanka, Dhakhaatiir, howlwadeenno caafimaad, fanaaniinta Hobollada Qaranka ee Waaberi iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

Dr Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Dr Xabeeb) oo si gaar ah uga shaqeeya daryeelka qeyb ka mid ah bulshadeenna oo aad ula ildaran xanuunka dhimirka ayaa tilmaamay in sanadkasta maanta oo kale ay xusaan, isagoo sheegay in xuskan maalintan ay bilaabatay 1992-dii.

“Sanadkasta waxaa la qaataa hal ku dhig, sanadkii 1192 ayay bilaabatay in la xuso 10-ka  October maanta oo kale oo ah Maalinta caafimaadka dhimirka adduunka, anaguna sanadkasta waan xusnaa, uuna codsanayo in laga wada qeyb qaato kaalmeynta loo fidinayo dakda dhimirka la’” ayuu yiri Dr Xabeeb.

Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maryan Aadan Amiin, isla markaana madax ka ah Barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta guud ee dowladda ayaa sheegtay in xuska maanta oo kale ay tahay maalin ku weyn dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo Dr Xabeeb uga mahadcelisay kaalinta uu ka qaatay daweynta dadka dhimirka la’.

Dr Fuje ayaa bulshada ugu baaqay in la garab istaago dadka dhimirka la’,  lana caawiyo kooxda uu hogaaminayo Dr Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Dr Xabeeb).si loo joogteeyo u adeegidda dadka dhimirka la’.

Dr Cismaan Maxamed Maxamuud Dufle oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare oo ka sheekeynayay arrimaha sababa xanuunka dhimirka ayaa tilmaamay inay ugu horeyso bur burkii dalka soo gaaray oo sameeyay xarumihii dadka dhimirka la’ loogu adeegi lahaa, waxaana uu Dr Xabeeb uga mahadceliyay sida ay uga go’antahay u adeegidda bulshada.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa si wada jir ah u tilmaamay in dhankooda ay door muhiim ah ka qaadan doonaan caawinta dadka dhimirka la’., ayna ugu baaqayaan bulshada inteeda kale ay gacan ka geystaan sidii loo caawin lahaa dadka dhimirka la’.

Siihayaha Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa ganacsatada ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud, isagoo intaa ku daray in bulshada looga fadhiyo inay isku tashtaan.

Siihayah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa tilmaamay in bulshada laga caawiyo meelaha ay ka dhibaateysantahay ay tahay wax aad u muhiimsan, qofkastana uu gacan weyn ka geysan karo wax u qabashada bulshada tabaaleysan.

“Waxaan aaminsanahay in baahida ugu badan ee uu qof beni’aadan qabo  waa dhanka dhimirka, waayo qofkasta waa uu ka liita mar haddii uu qofka dhimirka ka xanuunsanyahay”. Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dowladdu ay u taagantahay u adeegidda dadkooda tabaaleysan,

“Haddii qof wax la tarayo waa in wax la taraa xarunta Xabeeb, Dr Xabeeb waxa uu u istaagay wax u qabshada bulshada dhibaateysan, howshii dowladda ayuu hayaa, boqolaal qof ayuu ku dhex jiraa, waxaana ilmada ka keentay xaaladda uu ku suganyahay iyo sida uu uga damqanayo dhibta bulshada heysata”.ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Siihayah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa hay’adaha samafalka oo ay Hormuud ugu horeyso ku amaanay sida ay uga qeyb qaataan caawinta bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay isu gurmadaan oo ay gacan ka geystaan caawinta dadka dhimirka la’.

Mas’uuliyiinta madasha ka hadlay ayaa intooda badan uga mahadceliyay madaxda Wasaaradda Warfaafinta, qabsoomidda kulanka lagu taageerayo xarunta Dr Xabeeb, waxaana sanad walba marka la gaaro 10-ka Oktoobar maanta oo kale adduunka oo dhan laga xusaa maalinta xanuunka dhimirka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koofur Galbeed

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In