Saturday, June 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kormeeray Wakaaladda Xoogga Korontada ENEEYE ee Boosaaso “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kormeeray Wakaaladda Xoogga Korontada ENEEYE ee Boosaaso “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigii Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya  ee dhowaan gaaray Puntland ayaa booqday Wakaaladda Xoogga Korontada Ummadda ee Eneeye Boosaaso oo ka mid ah adeegyadada Qaranka ee wali shaqeynaya.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiir ku-xigeenka Amniga Cabdinaasir Siciid Muuse, Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi, Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise (Maas) iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026

Agaasimaha Eneeye Bosaaso Eng Guuleed Abshir Muuse ayaa ugu horayntii wafdiga ugu warbixiyay marxaladihii ay soo martay wakaaladda tan iyo dhisameedii 1987dii.

Waxaa uu sheegay wakaaladda inay soo martay marxalado kale duwan burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib, waxaa uu xusay masuuliyiintii ay uga tagtay dowladdii dhexe ee marxuum Maxamed Siyaad Barre inay wali gacanta ku hayaan, halka kuwii dhigeeda ahaa ee laga hirgaliyay Koonfurta Soomaaliya iyo waqooyiga dalka aysan shaqayn.

Eng. Guuleed ayaa sheegay dad badan inay ku dhaawacmeen badbaadintii Wakaaladda kuwaasi oo qaarkood geeriyooday iyo kuwa weli shaqeynaya, waxaana uu xusay inka badan saddex boqol oo dhallinyaro ah inay shaqo abuur ay u sameysay Wakaaladda oo ay ka howlgalaan.

“Wakaalada waxaa ay bixisaa adeegyo koronto oo lacag la’aan ah sida waddooyinka, saldhigyada ammaanka, isbitaalka waa weyn ee Boosaaso oo qiimo dhimis wayn aan u samayno, goobaha cibaadada iyo waxbarashada” ayuu yiri Agaasimaha oo intaasi ku daray in dhaqaale aad u badan ay bulshada kusoo celiso wakaaladda.

Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda xoogga korontada Umadda ee Eneeye, waxaana uu sheegay inay tahay wax lagu farxo oo mudan in lagu daydo sodon sano kahor hantidii Qaranka uu lahaa inay weli shaqaynayaan.

“Runtii waa wax lagu daydo badbaadidii hantida qaranka uu lahaa oo wali shaqaynaya, waxaana si gaar ah uga mahadcelinaynaa Eng Abshir Muuse oo waqti iyo dhaqaale uu isagu lahaa geliyay si’ay u hormarto” ayuu yiri Xildhibaanka.

“Qoyska Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa oo halkii qof la qiyaasaa inuu biilo sideed ama sagaal, waana arrin farxad gooni ah xambaarsan inay maanta Eneeye ka shaqeynayaan boqolaal ah” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi.

Wasiir ku-xigeenka amniga ee dowladda Faderaalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa sheegay inay tani farriin u tahay badbaadinta hantida qaranka uu leeyahay, mar walba oo la ilaaliyona maalmo loo baxsan karo.

Waxaa uu ku amaanay maamulka wakaaladda xoogga korontada ee Eneeye masuuliyaddii ay iska saareen badbaadinta wakalaada iyo horumarinteeda, waxaana fariin uu u diray dadwaynaha inay xil iska saaraan badbaada hantida qaranka.

Eneeye ayaa ka mid ahayd mashaariic ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay fulisay, iyadoo taageero ka helaysa dowladda Danemark, waxaana adeegyo koronto ay ka bixisaa magaalooyinka Qardho iyo Bosaaso, kuwaasi oo ay ku jireen lacag la’aan goobaha danta guud ah.

Booqashada wafdigan ayaa kusoo beegmaysa xilli Madaxwaynaha Soomaaliya uu dhowaan soo gaaray magaalada Boosaaso oo uu doonayay inuu Wakaaladda uu booqdo, balse markii dambe uu waqtiga ka dhacay safar uu ugu baxayay gobolada kale ee dalka, islamar ahaanataana uu masuuliyiintan usoo wakiishay inay booqdaan Wakaaladda.

Mohamoud Abdi Ibrahim 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Cadaado

Next Post

Somalia and Turkey Sign Trade Agreements and Form Joint Economic Commission

Next Post
Somalia and Turkey Sign Trade Agreements and Form Joint Economic Commission

Somalia and Turkey Sign Trade Agreements and Form Joint Economic Commission

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay shir amni oo lagu...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta sameynaya taariikh cusub, maadaama ay markii...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo shaacisay xilliga la qaban doono Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo shaacisay xilliga la qaban doono Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

June 13, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u shaacisay maalinta la qabanayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In