Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka qeyb galay Xiritanka Tababar ku saabsanaa la qabsahada is-badalka Cimilada oo Qaar ka Mid ah Shaqalaha Dowlada logu soo Gabagabeeyay Nairobi”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka qeyb galay Xiritanka Tababar ku saabsanaa la qabsahada is-badalka Cimilada oo Qaar ka Mid ah Shaqalaha Dowlada logu soo Gabagabeeyay Nairobi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan Xiritaanka tababarkani ku saabsanaa la qabsiga is-badalka Cimilada ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya iyo wasiiru dowlada bey’ada ee Xafiirka ra’iisul wasaraha iyo mas’uuliyiin ka kala socday hay’adda UNDP iyo machadka tababarka bixinayay ee KEFRI iyo xubno kale.

Tababarkani oo ay iska kaahadeen UNDP iyo xafiiska bey’da ee xafiiska ra’iisul waaaraha ayaa mudo sadax todobaad waxa uu magalada Nairobi uga socday qaar ka mid ah shaqaalaha wasaradaha Xukuumada Soomaaliya, xubno ka socday maamul goboleedyada ka jira dalka iyo ururada bulshada Rayidka ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Wasiiru dowlaha bey’ada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Burci Maxamed Xamza oo ka hadlay munaasabada xeritanka tababarka ayaa waxa uu sheegay inay joogteynayan Tababarada sare loogu qaadayo Aqoonta shaqaalaha Dowlada si wax looga qabto is-badalka cimilada.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay dhalinyaradii ka socotay wasaaradaha ee ka qeyb galay tababarkan inay shaqo fiican qabteen Aad ayana loo amaanay laakiin shaqada halkan ma ku ekaaneyso anaga hadan nahay bahda deegaanka ee xafiiska ra’iisul wasarada waa in aan sii wadno tababarada Isbadalka Cimilada,waxana tababarnay in ka badan 50-ka mid ah shaqaalaha wasaradaha”Ayuu Yiri Burci Maxamed Xamza.

“Hadii aan rabno inaan wax ka qabano isbadalka cimilada waa lagama maar maan in aan kordhinaa Aqoonta shaqalaha ka shaqeeya wasaradaha Dowlada,Maamul goboleedyada iyo ururada Bulshada Rayidka,hadii kale way adkaaneysaa in aan fulinno shuruucda ku jirta heshiiska isbadalka Cimilada” Ayuu Sii Raaciyay Burci Maxamed Xamza.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya Xaawa Xasan Maxamed ayaa iyana waxa ay xustay in loo baahanyahay xoojinta  Wacyi gelinta bulshada si looga hortago dhibaatooyinka dadka ku imaan kara marka uu isbadal ku yimaado cimilada.

“Runtii waxan muhimad gaar ah siinay in aad loo xoojiyo Arrintan isbadalka cimilada Sababtoo ah hadii Cilimada isbadasho dhibatooyin ayey dadka ku keeni kartaa,hadii aana ka taxadirin dhibaatada caafimaad ee ka imaan karta,Culeys weyn ayaa waxay soo saareysaa wasaarada Caafimaadka”Ayey Tiri Wasiirka Caafimaadka.

“Aadban ugu faraxsanahay inan imaado Xeritaanka tababarkan oo aan arko dhalinyaro Soomaaliyeed oo wax la baray, iyagana waxan rajeynaynaa in wixii ay barteen ay dadkooda uga faa;ideeyaan”Ayey sii raacisay wasiirka waxbarashada.

Munasabada oo shahaadooyin lagu gudoonsiiyay xubnihii ka qeyb galay tababarka ayaa markii ay soo gabagabowday qaar ka mid ah waxa ay ka hadlen waxyabahii ay ka faa’ideyteen mudadii uu socday tababarka.

Cabdulqaadi Cumar Cali”Waxan ka faa’idnay isbadalka Cimilada sidii aan wadankeena u geyn lahayn oo aan aduunka ula jaan qaadi lahayn,waxan tagnay goobo badan aqoonta kaliya ee aan saa’idsanay ayaa wax lasoo koobi karo ahayn”

Muno Saciid Axmed”waxyabaha aan ka faa’ideyanay waxaa ka mid ah wadankeena sidan ognahay dhirta ma hormarino inan dabar jarno ma ahane,geeda badan oo waxa jira aan aqoon u lahayn oo aan hada wax badan ka faa’idnay,tusaala ahaan Dacarta iyo geed talaalka anaga waxba uma isticmaalno laakiin faa’idooyin badan oo ay leeyihiin ayaan aragnay”

Kaafi nidamudiin Aadan”Waxyaabaha aan meeshan kasoo baranay waxaa ka mid ah sida bulshooyinkii aan u tagnay ay ula jaanqaadeen oo ay ula qabsadeen isbadalka Cimilada,iyadoo aan la adeegsaneyn wax dibada looga keenay laakiin la adeegsanayo sidii loogu dadaali lahaa horumarinta Qeyraadka ay dadku leeyihiin”

Waa markii labaad oo shaqaalo ka socday wasaarada dowlada Soomaaliya iyo xubno matalayay maamul goboleedyada tababar ku aadan la qabsashada is-bdelka Cimilada lagu siiyo Magaalada Nairobi.

IMG_4228 IMG_4229 IMG_4234 IMG_4238 IMG_4241 IMG_4247

1 2 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13

Sawir qaade:- Cabdulkari Cali Xuseen Koronto

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Ifraax Macalin Axmed oo Ireland kulan kula qaadatay mas’uuliyiin kala duwan “SAWIRRO”

Next Post
Ifraax Macalin Axmed oo Ireland kulan kula qaadatay mas’uuliyiin kala duwan “SAWIRRO”

Ifraax Macalin Axmed oo Ireland kulan kula qaadatay mas’uuliyiin kala duwan “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In