Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka tirsan Galmudug oo kormeer howleed ku tegay magaalada Baxdo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 25, 2021
in Wararka
0
Wasiiro ka tirsan Galmudug oo kormeer howleed ku tegay magaalada Baxdo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirro ka tirsan Galmudug iyo Senator Siciid Siyaad ayaa kormeer ku tagay magaalada Baxdo ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay soo gaareen dad Al-Shabaab ay ka soo barakiciyeen Koofurta Mudug, iyagoo kormeeray kaam ay deegaan ku meel gaar ah ka samaysteen ilaa 8-boqol oo qoys oo xilliyo kala duwan ka soo barakacay koofurta Mudug.

Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Galmudug Cabdiraxmaan Makaawe ayaa sheegay in qoysaskan oo hadda ka hor aan helin kaalmada hay’adaha samafalka ay deg deg ugu baahanyihiin Hoy, Cunno iyo agabka maacuunta.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Dhinaca kale Wasiirada iyo Senator-ka ayaa kulan la qaatay maamulka iyo bulshada deegaanka Baxdo, waxaana ay u gudbiyeen baahiyaha magaalada ka jira, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhinacyada caafimaadka, Waxbarashada, caawinta barakacayaasha, dhismayaasha xarumaha maaulka iyo waddooyinka, sida uu sheegay Gudodomiyaha Baxdo Maxamed Cabdullaahi.

Wasiiru dawlaha arrimaha Gudaha Galmudug Axmed Xasan Cali ayaa xusay in ka Wasaarad ahaan ay ka shaqaynayaan inay Baxdo hesho Layrka cadceedda ku shaqeeya iyo dhismayaasha maamulku ku shaqaynlahaa.

Ugu dambayn Senator Siciid Siyaad ayaa bulshada Baxdo ku baraarujiyey inay ka qaybqaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo balan qaaday inuu u istaagayo sidii Baxdo ay xuquuqdeeda horumarineed uga heli lahayd Galmudug iyo dawladda Federaalkaba.

Wafdiga maanta Baxdo booqday ayaa ka koobnaa Wasaaradaha Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, Xanaanada Xoolaha iyo Wasaarada Bey’ada Galmudug oo uu weli Wasiir ka yahay Senator Siciid Siyaad.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Wakiilka Hay’ada UNHCR ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Wakiilka Hay’ada UNHCR ee Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Wakiilka Hay’ada UNHCR ee Soomaaliya

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Wakiilka Hay’ada UNHCR ee Soomaaliya

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In