Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka tirsan Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta Xanaanada Carruurta oo laga hirgelliyey Cadaado

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka tirsan Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta Xanaanada Carruurta oo laga hirgelliyey Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo marti sharaf kale ayaa ka qaybgalay furitaanka xarunta xanaanada Carruurta ee Misbaax oo galabta xarigga laga jaray, taas oo ay hirgalinteeda iyo hawl socodsiinteeda iska kaashadeen Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo hay’adda Save the children.

Axmed Xuseen Khayre oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa xusay in mashruucan xananada carruurtu uu kaalin wayn ka qaadanayo horumarinta Waxbarashada carruurta iyo in la yareeyo carruurta waxbarasho la’aanta ah ama ka daaha.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo Wasaaradda Waxbarashada Galmudug uga mahadceliyey inay Cadaado u xulatay mashruucan ayaa balan qaaday in maamulka degmadu uu kaalin wayn ka qaadanayo sidii xaruntan loo horumarin lahaa loogana faa’iideysan lahaa.

Maxamed Xaashi Dhoorre Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa sheegay in Wasaaraddu ay xaruntan u diyaarisay macalimiin xirfad gaar ah u leh tarbiyada Carruurta, waxaana uu bulshada Cadaado ku dhiirri galiyey inay ka faa’iideystaan.

Xaruntan ayaa qaadda ilaa 120-Carruur ah, waxaana loogu tagalagalay in lagu siiyo xanaano, waxbaridda iyo tarabiyada, sidoo kalena ay heli doonaan cunno inta ay xarunta joogaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda beeraha Galmudug Xasan Cascaseey. Wasiirka Wasaaradda xanaanada xoolaha Galmudug Cabdulaahi Cabdiraxmaan Tootoole iyo mas’uuliyiin kale oo munaasabadda ka haday ayaa fursad muhiima ku tilmaamay hirgalinta xaruntan, iyagoo soo jeediyey in bulshada Cadaado ay dhamaystiraan waxyaabaka ka dhiman oo uu ka mid yahay gaarigii carruurta qaadi lahaa.

 






Previous Post

Ciidanka Qalabka Sida oo Gobalka Galgaduud ku dilay 3 dhagar-qabe hal kalena nolosha ku qabtay

Next Post

Munaasabado lagu xusaayo dhalashada Nabigeenna CSW oo lagu wado inay ka dhacaan Magalooyinka dalka

Next Post
Munaasabado lagu xusaayo dhalashada Nabigeenna CSW oo lagu wado inay ka dhacaan Magalooyinka dalka

Munaasabado lagu xusaayo dhalashada Nabigeenna CSW oo lagu wado inay ka dhacaan Magalooyinka dalka

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In