Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka tirsan Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta Xanaanada Carruurta oo laga hirgelliyey Cadaado

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka tirsan Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta Xanaanada Carruurta oo laga hirgelliyey Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo marti sharaf kale ayaa ka qaybgalay furitaanka xarunta xanaanada Carruurta ee Misbaax oo galabta xarigga laga jaray, taas oo ay hirgalinteeda iyo hawl socodsiinteeda iska kaashadeen Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo hay’adda Save the children.

Axmed Xuseen Khayre oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa xusay in mashruucan xananada carruurtu uu kaalin wayn ka qaadanayo horumarinta Waxbarashada carruurta iyo in la yareeyo carruurta waxbarasho la’aanta ah ama ka daaha.

Related posts

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo Wasaaradda Waxbarashada Galmudug uga mahadceliyey inay Cadaado u xulatay mashruucan ayaa balan qaaday in maamulka degmadu uu kaalin wayn ka qaadanayo sidii xaruntan loo horumarin lahaa loogana faa’iideysan lahaa.

Maxamed Xaashi Dhoorre Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa sheegay in Wasaaraddu ay xaruntan u diyaarisay macalimiin xirfad gaar ah u leh tarbiyada Carruurta, waxaana uu bulshada Cadaado ku dhiirri galiyey inay ka faa’iideystaan.

Xaruntan ayaa qaadda ilaa 120-Carruur ah, waxaana loogu tagalagalay in lagu siiyo xanaano, waxbaridda iyo tarabiyada, sidoo kalena ay heli doonaan cunno inta ay xarunta joogaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda beeraha Galmudug Xasan Cascaseey. Wasiirka Wasaaradda xanaanada xoolaha Galmudug Cabdulaahi Cabdiraxmaan Tootoole iyo mas’uuliyiin kale oo munaasabadda ka haday ayaa fursad muhiima ku tilmaamay hirgalinta xaruntan, iyagoo soo jeediyey in bulshada Cadaado ay dhamaystiraan waxyaabaka ka dhiman oo uu ka mid yahay gaarigii carruurta qaadi lahaa.

Previous Post

Ciidanka Qalabka Sida oo Gobalka Galgaduud ku dilay 3 dhagar-qabe hal kalena nolosha ku qabtay

Next Post

Munaasabado lagu xusaayo dhalashada Nabigeenna CSW oo lagu wado inay ka dhacaan Magalooyinka dalka

Next Post
Munaasabado lagu xusaayo dhalashada Nabigeenna CSW oo lagu wado inay ka dhacaan Magalooyinka dalka

Munaasabado lagu xusaayo dhalashada Nabigeenna CSW oo lagu wado inay ka dhacaan Magalooyinka dalka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la...

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In