Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo Nairobi ku Kulmay- SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo Nairobi ku Kulmay- SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar, ayaa kulan casho ah la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Aamina Maxamed iyo qaar ka mid ah danjirayaasha caalamka u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaa looga hadlay sida dowladaha caalamku ay maalgashi ugu sameysan karaan Soomaaliya, ayadoo si gaar ah looga hadlay xiriirka iskaashi ee uu ganacsigu ku jiro ee Soomaaliya iyo Kenya.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026

Wasiir Hadliye oo la hadlayay diblomaasiyiinta iyo wasiirrada ka socda Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaarisay dhammaan waxyaabihii suurta galin lahaa in ay maalgashi ku dhiirradaan dowladaha iyo ganacsatada dibaddu, sidoo kale ay jiraan suuqyo badan oo la maalgashan karo.

“Kalluunkeenu wuxuu u dhintaa duqnimo, marka uu waayo cid ka faa’iideysata” ayuu yiri Hadliye oo shegay in dowladdu ay taageereyso ciddii doonaysa in ay maalgashato waddanka.

13699440_1093573667344859_1257337796_oWasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Danjire Aamina Maxamed, ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan isla markaana ay ganacsatada labada dhinac u fududeynayaan in ay maalgashi ku samaystaan labada waddan.

Kulankaan waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka warshadaha Kenya, Wasiirka Ganagsiga Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka qorsheynta Soomaaliya iyo masuuiyiin kale oo ka socota labada dowladood.

Safaaradda Soomaaliya ayaa qaban qaabisay kulan weyn oo Arbacadii ay isku arkeen ganacsatada Bangiyada labada waddan, kuwaas oo ka wada hadlay sida ay uga wada shaqeyn karaan in si xoog leh loo maalgashado suuqa bangiyada Soomaaliya. Sidoo kale cashadan ayaa diblmaasiyiinta loogu baaqay in dalalkoodu ay maalgashadaan Soomaaliya.

13702395_1093574980678061_486352484_o13694143_1093571990678360_920534698_o 13709725_1093572890678270_989936514_o 13720484_1093570940678465_1296817797_o
13720520_1093572854011607_1357989598_o 13833119_1093572847344941_1662118278_o 13728447_1093571694011723_2038967610_o 13833437_1093571637345062_2122609483_o 13728470_1093571530678406_1902376744_o

Previous Post

Donald Trump oo loo caleema saaray musharaxa madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Mareeykanka+Sawirro

Next Post

Meydadka 26 muhaajiriin ah oo laga helay xeebaha dalka Liibiya

Next Post
Meydadka 26 muhaajiriin ah oo laga helay xeebaha dalka Liibiya

Meydadka 26 muhaajiriin ah oo laga helay xeebaha dalka Liibiya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul...

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In