Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda F.S oo ku baaqay wax ka qabashada xaalladda abaareed gobolka Gedo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda F.S oo  ku baaqay wax ka qabashada xaalladda abaareed gobolka Gedo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Libaax Ibraahin  iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayaa ku booriyay Hay’adda ku shaqada leh biyaha iyo qof walba oo Soomaali ah inay ka qayb qaataan wax ka qabashada xaaladda abaareed ay ku sugan yihiin bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.

Roob yarida labadi xilli ee lasoo dhaafay ayaa sababtay in abaaro ba’an ay ka dhacaan deegann ka tirsan maamul goboleedka jubaland, waxaana Maalmahii la soo dhaafay qaylo dhaan xooggan ka soo yeeraysay gobolka Gedo oo ay haatan ka jiraan biyo yari iyo baad la’aan, ka dib markii ay gureen warihii biyaha.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Waxaa soo kordhaya dad barakacayaal ah oo soo beegsanaya xerooyin ku yaalla dagmada Bardheere iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka gedo, kuwaas oo u baahan  in lala gaaro gar gaar degdeg ah.

Xildhibaanno iyo Wasiiro heer Federaal ah ayaa shir jaraa’id ay ku qabteen magaalada muqdisho kaga codsaday dowladda Soomaaliya iyo  jaaliyadaha ka soo jeeda gobolka Gedo in ay wax ka qabtaan xaaladda culus ee ka taagan deegaannadaasi.

Gobolka gedo ayaa ka mid gobolada ugu baaxadda wayn ee dalkeenna Soomaaliya,waxaana sidoo kale uu xuduud la leeyahay dalalka Itoobiya iyo Kenya, hase yeeshe waxaa isu kaashaday abaaro xiriir ah iyo qalalaase kooxaha nabad diidka ka wadaan deegaanada qaar ee gobolkaasi.

Previous Post

Ciidamada Qaranka oo toogasho ku dilay dhagar qabe Qarax aasayay

Next Post

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa maanta magaalada Garowe tababar uga furay laamaha garsoorka Punt-land

Next Post
Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa maanta magaalada Garowe tababar uga furay laamaha garsoorka Punt-land

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa maanta magaalada Garowe tababar uga furay laamaha garsoorka Punt-land

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In