Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirro ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarumaha adeegga bulshada ee Galkacyo”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirro ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarumaha adeegga bulshada ee Galkacyo”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaar ka mida wasiirada dowlad Gobaleedka Galmdug oo ay wehliyeen mas’uuliyiinta maamulka Dagmada Galkacyo ee Dowlada Galmdug ayaa kormeer ku aaddan u kuurgalidda  xaaladda shaqo ee xarumaha adeegga Bulshada Galkacyo waxa ay ku soo mareen  xarumahaasi oo ay ka mid ahaayeen xarunta taliska qeybta boliiska Gobalka Mudug saldhigga boliiska Galkacyo xarunta maxakamadda garsooraka dagmada Galkacyo iyo xarunta tababarka xirfadaha ee Prof Caddoow oo ku taalla duleedka Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Ugu horeeyna waxa ay kormeerkooda ka bilaabeen saldhigga ciidanka boliiska dagmada Galkacyo, iyagoona markii halkaasi tageen warbixinno quseeya xaaladda maxaabiista ka dhageeystay taliyaha qeybta booliiska Gobalka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo isagu sheegay in saldhigga iyo xabsigaba ay ku xiran yihiin maxaabiis farabadan oo isugu jira kuwa xukuman iyo eedeeysanaal aan wali la xukumin kuwaasoo uu tilmaamay in ay u xiran yihiin danbiyo kala duwan, wuxuuna ka codsaday in si dag dag ah oo loo maxkamadeeyo adeeysanayaasha ku xiran saldhigga.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Dhinaca kale taliyuhu waxa uu ka dhawaajiyay in tirada maxabiista ku xiran saldhigga iyo xabsigu ay yihiin kuwa ka farabadan tirada rasmiga ah ee loogu talagalay in lagu hayo sidaa darteedna loo baahan yahay in loo helo meel intaasi ka weyn.

Xubnaha golaha wasiirrada oo kala ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha iyo Dowladaha hoose Cumar Maxamed Diiriye, wasiirka biyaha iyo korantada Cawil Goladiid, wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha iyo xanaanada xoolaha C/laahi Cabdi Siyaad iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta hiddaha iyo Dhaqanka Daahir Faarax Fiidoow ayaa  intaa kaddib waxay booqdeen Xarunta tababarka xirfadaha ee Prof Caddow halkaasi oo ay wax ka bartaan dhalinyaro farabadan oo isugu jira Rag iyo Dumar isla markaana si lacag la’aan ah uga barta xirfado kala duwan oo ay ku shaqeeystaan kuwaasi oo ay ka mid tahay dhismaha korantada makaanikada iyo faryaamada qeybahooda kala duwan waxaana intii ay xaruntaasi ku sugnaayeen ay booqdeen dhamaan qeybaha xarumahaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta hiddaha iyo dhaqanka Dowlada Galmdug mudane Daahir Faarax Fidoow oo kormeerka kadib wareysi gaara siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kormeerkoodu uu ahaa mid xog ururin ah isla markaana ay ugu kuur galayeen xaaladaha shaqo ee xarumaha adeegga bulshada ee ku yaala dagmada Galkacyo si loo ogaado ayuu yiri baahiyaha ka jira dhanka adeegga bulshada waxa uuna xusay in xogta ay ka heleen goobaha ay booqdeen ay u gudbin doonaan golaha wasiirada si looga hadlo wixii wax ka qabad u baahan.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed (18) unnamed (19) unnamed (20) unnamed

By: C/risaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

Previous Post

Guddoomiye Jawaari oo furay shir looga hadlayo sameynta Maxkamadda dastuuriga

Next Post

Kulan looga hadlayay iskaashiga iyo horumarinta gobolada dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda

Kulan looga hadlayay iskaashiga iyo horumarinta gobolada dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In