Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-dowlaha A/Dibadda XFS oo khudbad ka jeediyey shirkii guddiga fulinta ururka Iskaashiga Islaamka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiiru-dowlaha A/Dibadda XFS oo khudbad ka jeediyey shirkii guddiga fulinta ururka Iskaashiga Islaamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha arrimaha debadda XFS Balal Cusmaan ayaa ka qeybgalay shir gaar ah oo guddiga fulinta ururka iskaashiga Islaamka heer wasiir arrimo debadeed ay kaga doodayeen duulaanka Isra’iil ay ku qaaday dhulka reer Falastiin, gaar ahaan magaalada Barakeysan ee Qudus iyo howlaha rabshadaha wata ee laga geystay hareeraha masjidka Al-Aqsa.

Shirka oo ku qabsoomay habka fogaan arraga ayaa waxaa uu ka yimid baqortooyada Sacuudiga oo ah shir guddoonka Kaltankani ee ururka Iskaashiga Islaamka ayaa wasiir Balal cusmaan waxaa uu ka jediyay qudbad uu kaga hadlay sida Soomaaliya ay uga go’antahay in xal loo helo arrimo Falastiin.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha debadda XFS ayaa sheegay in qadiyadda Falastiin iyo tan masjidka Al-Aqsa ay tahay Mudnaanta koowaad ee dalalka Muslimiinta ah.

“Dowladda Faderaalka Soomaaliya waxaa ay baaqeeda ku biirineysaa dalalka Islaamka si loo joojiyo dhibaatadda Isra’il ay ku heyso dhulka iyo dadka reer Falastiin,ayada oo la ilaalinayo xaquuqda dadka reer Falastiin Madaxbanaaninooda,” ayuu yiri Wasiir Balal.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Waxaan sidoo kale ka codsaneynaa bulshada caalamka inay qaadaan mas’uuliyadooda ku saabsan baahida loo qabo in la joojiyo weerarada Israel ay ku hayso dhammaan dhulalka Falastiiniyiinta, lana ixtiraamo sharciyada iyo qawaaniinta caalamiga ah iyo in la soo celiyo xuquuqda dadka reer Falastiin oo ay ku jiraan xorriyadaha diineed.”

“Soomaaliya waxay sii waddaa taageerida xalka labada dowladood, oo ku saleysan xuduudaha caalamiga ah iyo khadadka 1967-kii, iyadoo Israel iyo dowlad madaxbanaan oo Falastiin ah, kuwada noolaan karaan nabad, amni iyo is aqoonsi labada dhinac ah” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha debadda XFS Balal Cusmaan.

Previous Post

Guddoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar-galinta amniga “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo shacaiyey in dib loo bilaabay dacwadaha aan ciqaabta ahayn

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka oo xariga ka jaray Xarumaha Maxkamadaha Degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo shacaiyey in dib loo bilaabay dacwadaha aan ciqaabta ahayn

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In