Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kaga qeybgalaya dalka Talyaaniga Shir ku saabsan horumarinta .

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Shiinaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Khaled Omar Ali ayaa kaga qeybgalay maanta Magaalada Milan ee dalka Talyaaniga Shirka Qaramada Midoobey ee dowladaha horumarkoodu hooseeyo (LDCs) ee ku yaala Saxaraha weyn ee Africa oo ay martigelineyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga , iyadoo ay maal-gelinayaan hey’adda horumarinta Iskaashiga u qaabilsan Talyaaniga iyo Xafiiska Wakiilka sare ee Q.M ee dowladaha horumarkoodu hooseeyo ( UN-OHRLLS).

Shirkani oo ah heer Wasiir , ku tala-galkiisuna yahay inuu socdo maalmaha (June 8-10), ayaa huwan hindisaha EXPO Milan 2015 oo diiradda saaraya cunnada iyo tamarta, waxa uu sidoo kale ku soo beegmayaa xilli bishii December , sanadkii hore 2014 lagu qabtay Magaalada Kathmandu ee dalka Nepal kulan heer Wasiir ah oo dowladaha horumarkoodu hooseeyo ee ku yaala Asia- Pacific .

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo shir-gudoomin doona qeybta shanaad (session 5) ee Shirka, kulan hordhac ahna la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga H.E. Paolo Gentiloni , ayaa madasha shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay Xaaladda Soomaaliya iyo hanaanka nabad-gelyo iyo horumar ee dalka .

H.E. Khaled Omar Ali ayaa xusay in Soomaalida maanta ay ka duwantahay Soomaalidii shalay, waxa uu yiri “ Xukuumadda Federaalka oo kaashaneysa shacabkeeda waxa ay horumar balaaran ka sameysay la dagaallanka argagixisada iyo xasilinta dalka”.

Waxa uu intaa sii raaciyay “ dalkeygu waxa uu leeyahay kheyraad badan oo dabiici ah, sidaas darteed waxaan ku dhiirigelinayaa dowladaha, hay,adaha caalamiga , Shirkadaha iyo ganacsatada Taliyaaniga in ay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya”.

Waxa uu sidoo kale rajo badan ka muujiyey in ay Soomaaliya xilli dhow guul ka gaari doonto ujeeddooyinka horumarka ee Kunka (MDGs) , kana bixi doonto dowladaha heerkooda hormarineed uu hooseeyo ( LDC category), iyadoo Soomaaliya ay ku faaneyso firfircoonida , awoodda iyo hal-abuurka ganacsatada Soomaaliyeed oo ka sareeya dhiggooda shisheeye .

Waxaa la qorsheeyay in mudada shirka uu ka socdo Magaalada Milan, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu la kulmi doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Talyaaniga , Wakiilo ka tirsan Qaramada Midoobey iyo Wakiilada qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ee lagu cazuumay ka qeybgalka shirka.

Previous Post

Shirka Baarlamaanka Carabta oo ka furmaya Qaahira

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo Cadaado ku sii jeeda

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Faah Faahin Ka Siiyay Waxqabadka Wasaaradda Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka

Wasiirka arrimaha gudaha oo Cadaado ku sii jeeda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In