Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Shiinaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Khaalid Cumar Cali oo soo gaba-gabeeyay booqashadiisa shaqo ee uu ku joogay dalka Talyaaniga , ayaa kulan la yeeshay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga H.E. Lapo Pistelli , oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal .

Kulankani oo ka dhacay Magaalada Rome, kuna dhammaaday jawi guul oo isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga wakiil ah dalka Talyaaniga mudane Amb , Maj. Janaraal Muuse Xasan Cabdulle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda .

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Wasiiru dowlaha , oo booqday dhammaan dhismayaasha iyo hantida qaranka uu ku leeyahay dalka Talyaaniga oo u baahan dayactir iyo dib u dhis oo ay ku jirto dhismaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Rome , ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda inay kordhiyaan howlaha shaqo ee qaranka ay u hayaan , ayna muujiyaan isku-duubni , una gutaan waajibaadka saaran si qaranimo ah oo hufan.

Previous Post

AMISOM oo ka hadashay dagaal dhawaan ka dhacay deegaanka Jameeco

Next Post

Howlgalo amniga lagu adkeynaayay oo Jowhar laga fuliyay

Next Post
Qaban qaabada dibad baxyo lagu taageerayo shirki IGAD ee shalay ka dhacay Muqdisho oo ka socda Jowhar

Howlgalo amniga lagu adkeynaayay oo Jowhar laga fuliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In