Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Suudaan +Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Suudaan +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa maanta oo Axad ah ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Khalafallah Mustafa Babakar Abdullahi, Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee aanu walaalaha nahay, isagoo huwan xilka Safiirka idman ee dalkiisa u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka qaabilaada Safiirka cusub ee Suudaan ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashiga dhinacyo kala duwan oo dan u ah labada shacab iyo labada dal ee walaalaha ah.

Mudane Cabdulqaadir ayaa intii uu ku guda-jiray qaabilaadda Safiirka cusub oo ku qabsoontay xarunta Wasaaradda, ayaa waxa uu bogaadiyay xiriirka taariikhiga ah ee isku xira labada dal ee walaalaha ah, isagoo muujiyay sida uu u tixgelinayo dadaalka ay Suudaan ku bixinayso xoojinta xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, waxaa uu u rajeeyay Safiirka cusub inuu ku guuleysto howlaha loo igmaday.

Dhankiisa, Danjire Khalafallah Mustafa Babakar ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisu sii wadi doono taageerrada uu u fidiyo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, una howlgeli dooo adkaynta xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal dhammaan arrimaha iyo dhinacyada kala duwan.

Previous Post

Aqoon isweydaarsiga doorka Baarlamaanada ee Hirgelinta Hiigsiga 2030-ka oo Muqdisho ka furmay

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kulan dhiiragalin ah la qaatay Ciidamo loo diyaariyay Howlgalada ka socda Shabeellada Hoose

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kulan dhiiragalin ah la qaatay Ciidamo loo diyaariyay Howlgalada ka socda Shabeellada Hoose

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kulan dhiiragalin ah la qaatay Ciidamo loo diyaariyay Howlgalada ka socda Shabeellada Hoose

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In