Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Azerbaijan

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
12 months ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Azerbaijan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qaabbilay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan, Mudane Yalchin Refiyev iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka labada dhinac ayaa si gaar ah looga hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Azerbaijan. Wasiir Cali Cumar ayaa tilmaamay in kulanka uu yahay fursad muhiim ah oo loogu talagalay in la xoojiyo xiriirka labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo horumarinta kaabayaasha dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Mudane Yalchin Refiyev, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta ay ka heleen Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in Azerbaijan ay ka go’an tahay in ay si dhow uga shaqeyso xoojinta iskaashiga labada dal. Waxa uu tilmaamay in labada dowladood ay iska kaashan doonaan mashaariic badan oo horumarineed iyo sidii loo hormarin lahaa arrimaha diblomaasiyadeed ee labada dal.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii labada dhinac ay u horumarin lahaayeen iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, iyadoo la qorsheynayo in la bilawdo mashaariic wadajir ah oo waxtar u leh labada dal. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, iyo dhaqanka, si labada dal ay u yeeshaan iskaashi dhameystiran oo faa’iido u leh shacabka labada dal.

Mudane Refiyev ayaa sidoo kale sheegay in Azerbaijan ay diyaar u tahay inay si gaar ah u taageerto Soomaaliya dhinacyada la xiriira horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerada mashaariicda muhiimka ah.

Kulanka ayaa muujinaya sida labada dowladood ay ugu go’an tahay in ay xoojiyan xiriirkooda, si loo horumariyo iskaashiga caalamiga ah ee labada dal, isla markaana loo abuuro fursado cusub oo dhanka dhaqaalaha iyo horumarka ah.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirka Thailand ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha koofur Galbeed Soomaaliya oo saxiixay sharciga Nadaafada ee KGS 

Next Post
Madaxweynaha koofur Galbeed Soomaaliya oo saxiixay sharciga Nadaafada ee KGS 

Madaxweynaha koofur Galbeed Soomaaliya oo saxiixay sharciga Nadaafada ee KGS 

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In