Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Azerbaijan

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Azerbaijan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qaabbilay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan, Mudane Yalchin Refiyev iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka labada dhinac ayaa si gaar ah looga hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Azerbaijan. Wasiir Cali Cumar ayaa tilmaamay in kulanka uu yahay fursad muhiim ah oo loogu talagalay in la xoojiyo xiriirka labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo horumarinta kaabayaasha dalka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Mudane Yalchin Refiyev, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta ay ka heleen Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in Azerbaijan ay ka go’an tahay in ay si dhow uga shaqeyso xoojinta iskaashiga labada dal. Waxa uu tilmaamay in labada dowladood ay iska kaashan doonaan mashaariic badan oo horumarineed iyo sidii loo hormarin lahaa arrimaha diblomaasiyadeed ee labada dal.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii labada dhinac ay u horumarin lahaayeen iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, iyadoo la qorsheynayo in la bilawdo mashaariic wadajir ah oo waxtar u leh labada dal. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, iyo dhaqanka, si labada dal ay u yeeshaan iskaashi dhameystiran oo faa’iido u leh shacabka labada dal.

Mudane Refiyev ayaa sidoo kale sheegay in Azerbaijan ay diyaar u tahay inay si gaar ah u taageerto Soomaaliya dhinacyada la xiriira horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerada mashaariicda muhiimka ah.

Kulanka ayaa muujinaya sida labada dowladood ay ugu go’an tahay in ay xoojiyan xiriirkooda, si loo horumariyo iskaashiga caalamiga ah ee labada dal, isla markaana loo abuuro fursado cusub oo dhanka dhaqaalaha iyo horumarka ah.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirka Thailand ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha koofur Galbeed Soomaaliya oo saxiixay sharciga Nadaafada ee KGS 

Next Post
Madaxweynaha koofur Galbeed Soomaaliya oo saxiixay sharciga Nadaafada ee KGS 

Madaxweynaha koofur Galbeed Soomaaliya oo saxiixay sharciga Nadaafada ee KGS 

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In