Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda oo booqday Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 19, 2019
in Wararka
0
Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda oo booqday Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane ; C/qaadir Axmed Qeyr iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo kormeeray Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya.

Wuxuu si weyn ugu kuur-galay Wasiiru Dowluhu, shaqada ka socota Qunsuliyadda iyo howlaha kala duwan ee ay u qabato Dadka Soomaaliyeed ee nool Magaalada Jeddah iyo nawaaxigeeda.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Mudane ; Axmed Qeyr, ayaa Qof-Qof ula sheekeystay shaqaalaha ka howlgala gudaha Qunsuliyadda, isagoo ka wareystay adeegyada kala duwan ee ay u qabtaan Ummadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Qunsulka guud ee Soomaaliya u joogo Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya, Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada Wasiiru Dowlaha, isagoo aad usoo dhoweeyay ugana mahad celiyay booqashadiisa.

“Waxaan warbixin yar ka siinnay qaab howleedka ay u shaqayso Qunsuliyadda iyo muwaaddiniinta Soomaaliyeed baahiyaha ay qabaan iyo wixii loo qabtay, ayuu yiri Qunsulka guud ee Soomaaliya u joogo Dalka Sacuugiga’ Ilyaas Sheekh Cumar.

Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/qaadir Axmed Qeyr ayaa ka mahad celiyay soo dhoweyntii diirranayd ee loo sameeyay,wuxuuna sheegay in madaxda iyo shaqaalahuba ay warbixin fiican ka siiyeen howlaha ay Qunsuliyadda u qabato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sacuudiga.

Wuxuu sheegay in Qunsuliyadda guud ee Magaalada Jeddah ay ka mid tahay meelaha ugu muhiimsan, shaqa wanaagsanna ay ka socoto, isagoo intaa raaciyay in ay baahiyo ka jira gudaha Qunsuliyadda oo ay diyaar u yihiin ka Dowladda dhexe ahaan in ay wax ka qabtaan.

Previous Post

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo sagootiyay dufcaddii 1-aad ee Xujeyda Soomaaliya

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo gabdho qurbo joog ah oo kormeeray Deegaanka Ceeldibir “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo gabdho qurbo joog ah oo kormeeray Deegaanka Ceeldibir “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo gabdho qurbo joog ah oo kormeeray Deegaanka Ceeldibir "SAWIRRO"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In