Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo gaaray Xeraale “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo gaaray Xeraale “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug ahna kusimaha Wasiirka mudane Axmed Xasan Cali “Axmed Dheere” iyo wafdi balaaran oo ka kooban howl wadeennada Wasaaradda ayaa soo gaaray magaalada Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Safarka wafdigan Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa la xiriira sidii loo dhamaystiri lahaa, loona sameynaa qiimeyntii labaad ee hannaanka degmaynta Xeraale, kaas oo dhamaystiri doona qiimeynti hore ay Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug uga sameysay Xeraale 6-bilood kahor, taasi oo Wasaraddu ku ogaaneysay in Xeraale buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa in ay yeelato degmo isku filnasho buuxda leh.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026

Bashiir Daahir Yuusuf, Guddoomiyaha Xeraale oo hor kacayay Mas’uuliyiin wafdigan ku soo dhaweeyay duleedka magaalada fiidnimadii hore ayaa sheegay in dareen gaar ah ay u hayaan howshan qiimeynta ah.

Cabdi Daahir Xuseen Wasiir kuxigeenka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug oo wafdigan kahor sii joogay Xeraale ayaa kaga mahadceliyay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor dardar galintiisa hannaanka degmooyinka cusub ee buuxiyay shuruudaha degmonimo.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug ahna kusimaha Wasiirka mudane Axmed Xassan Cali “Axmed Dheere” ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto u kuurgelidda xaaladda magaalada iyo in magaaladu ay buuxisay sharuudihii degmanimo.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageeyso Warka Subax ee Radio muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageeyso Warka Subax ee Radio muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

Somalia, Sudan Denounce Israel’s “Somaliland” Recognition

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In