Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo kulan is xogwareysi la qaatay Maamulka Gobalka Mudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 12, 2024
in Wararka
0
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo kulan  is xogwareysi la qaatay Maamulka Gobalka Mudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye oo ay wehliyeen howlwadeenno ka tirsan Wasaaradda oo maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan kuwa maamulka gobolka Mudug iyo kan dagmada Gaalkacyo

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaaan Sheekh Xasan Jimcaale xoghayaha dowlada hoose Cabdisalaam Sheekh Salaad Gudoomiyaha Gobalka Mudug Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdile ayaa ahaa mid ku saabsanaa xog aruurinta xaaladaha kala duwan ee ka jira dagmada Gaalkacyo kuwaas oo ay ugu horeeyaan mashaariicda horumarineed ee ka hirgalay Gaalkacyo baahiyaha jira kuwa la qorsheeynayo in Gaalkacyo iyo halka uu marayo hirgalinta qorshaha xalka waara ee dib u dajinta barakacayaasha oo ay fulintaas hormuud u aheyd Wasaaradda arimaha gudaha Galmudug

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa warbixin guud ka siiyay Wasiiru-dowlaha waxyaabaha qabsoomay waxa dhiman iyo baahiyada jira, isagoo sheegay in wax badan la qabtay balse ay jiraan waxyaabo dhiman oo uu codsaday in dag dag looga caawiyo maamulka degmada sidoo kale waxa uu xusay in ay shacabka Gaalkacyo ay waxbadan ku qabsadeen isku tashi kuwaa oo haatan muuqda

Wasiiru-dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha dowlad goboleedka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa intaas kadib uga mahad celiyay maamulka iyo shacabka dagmada Gaalkacyo dadaalka ay muujiyeen ee mira dhalay isagoo sheegay in Wasaaraddu ay ka shaqeeyn doonto in la dhameeystiro inta karaankooda baahiyada ka jira dhan walba inta uu soo gudbiyay duqa dagmada Gaalkacyo

Wasiiru-dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa maalmihii u danbeeyay kormeero ku marayay deegaannada gobalka Mudug iyagoo u kuur galayay baahiyada ka jira ee lama huraanka u ah in wax laga qabto









 

Previous Post

Labada gole oo maanta billaabay ka doodista cutubyada wax kabadalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG

Next Post

Baarlamaanka Labadiisa Aqal oo ka hadlay Mabaa’iida Guud ee dib u eegista Dastuurka KMG ee dalka

Next Post
Baarlamaanka Labadiisa Aqal oo ka hadlay Mabaa’iida Guud ee dib u eegista Dastuurka KMG ee dalka

Baarlamaanka Labadiisa Aqal oo ka hadlay Mabaa'iida Guud ee dib u eegista Dastuurka KMG ee dalka

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In