Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, abwaanno iyo Culimaa-udiin ayaa maanta Isbitaalka Urdugaan Ex. Digfeer ku booqday Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise (Sangub) oo xaaladiisa caafimaad soo hagaageysa.
Mas’uuliyiinta ayaa abwaan Sangub ka wareystay xaaladiisa caafimad iyadoo intaa ka dib Alle uga baryay in uu caafimadkiisa dib u helo,
Sidoo kale madaxda ayaa isbitaalka ku booqday Faaísa Cabdirashiid oo ah sargaal ka tirsan Ciidanka Xoogga, iyagoo ka wareystay xaaladeyda caafimaad, waxeyna Faa’isa sheegtay in xaaladeyda caafimad aan dalka waxba looga qaban karin, iyadoo madaxda Qaranka ka dalbatay in gargaar caafimad oo dibadda ah loo fidiyo,
Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa booqashada kadib waxa uu ka warbixiyay xaalada Abwaan Sangub oo uu sheegay inay soo hagaageyso, isla markaana loo wada duceeyo, Abwaan sangub, Abwaan Hadraawi iyo Cabdi tahliil oo xanuunsan.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in Ummudda Soomaaliyeed ay ku farxeyso in ay dib usoo hagaagto xaalada Caafimaad Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Fedraalka ee Xukuumada Soomaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa Madaxda Qaranka iyo Saraakisha Ciidanka Xoogga Dalka ka codsaday in ay si deg deg ah uga jawaaban xaalada caafimad ee Faa’isa Cabdirashiid, isagoo Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo, abwaannada xanuunsan iyo Faa’isa.