Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda oo kulan la qatay Wasiirka Cadaaladda Masar

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiiru-dowlaha Cadaaladda oo kulan la qatay Wasiirka Cadaaladda Masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa Kulan Miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Cadaaladda Masar mudane Cadnaan Fanjari

Wasiiru Dowladda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar oo Qaahira uga qaybgelaya Shirka 40-aad ee Wasiirrada Cadaaladda Carabta iyo Wasiirka Cadaaladda Masar, Mudane Adnaan Fanjari, ayaa yeeshay kulan looga hadlay xoojinta iskaashiga labada wasaaradood, sameynta hannaan wada-shaqeyneed iyo in Masar sii waddo taageertadda Soomaaliya ee masraxyada caalamiga ah.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026

Ambassador Ilyaas, ayaa Wasiirka la wadaagay sida Soomaaliya ay ugu hanweyntahay iney ka faa’iideysato khibradda Masar ee tababarka shaqaalaha garsoorka, dib-u-habeynta bahda Cadaaladda, dijitaaleynta dhammaan hay’adaha bahda Cadaaladda, waxuuna codsaday in garsoorayaal Masaari ah Soomaaliya loo soo diro si ay uga howl-galaan maxkamadaha, ayna khibarooda ula wadaagaan garsoorayaasha kale ee Soomaaliyeed iyo in taageero laga siiyo bahda Cadaaladda dhismaha maktabad elektaroonic ah iyo machadka sare ee tababarka iyo horumarinta sharciga oo lagu tababarayo garsoorayaasha iyo qareennada si loo xoojiyo shaqada garsoorka qeybihiisa kala duwan iyo in laga taageero arrimaha xeeran dib-u-eegista dastuurka.

Wasiiru dowlaha Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirka Cadaaladda Masar guddoonsiiyay salaan uu madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uga waday Madaxweyne Cabdelfattah Al-Sisi iyo salaan uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uga siday dhiggiisa Masar.

Waxuu sidoo kale Ambassador Ilyaas codsaday in wasaaradda laga taageero kor u qaadida xirfadda iyo karaanka howl-wadeennada bahda Cadaaladda, laguna tababaro Machadka Qaranka ee Ka-hortagga Musuqmaasuqa dalka Masar, si looga caawiyo diyaarinta dhaqan-gelinta ka-hortagga musuqmaasuqa ee Soomaaliya, loona fuliyo Heshiiska Caalamiga ah ee ka-hortagga Musuqmaasuqa ee Qaramada Midoobay.

Ambassador Ilyaas, ayaa soo jeediyay in la sameeyo guddi kormeer oo labada wasaaradood ka kooban oo sanadkii laba jeer kulma kana wada hadla arrimaha bahda cadaaladda ee labada dal, dabagalna ku sameeya dhaqan-galka heshiisyada labada Wasaaradood.

Wasiiru dowlaha, ayaa mudane Adnaan Fanjari ku marti qaaday inuu soo booqdo wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya, si uu u dul istaago horumarka ballaaran ee bahda cadaaladdu ku tilaabsaneyso, waxaana wasiirka Cadaaladda Masar oo aqbalay casuumaadda uu muujiyay sida ay Masar ugu faraxsantahay xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood ka dhexeeya iyo xoojinta iskaashiga labada wasaaradood.

Wasiirka Cadaaladda Masar oo soo dhaweeyay Ambasador Ilyaas iyo wafdiga uu hoggaaminayo, ayaa bogaadiyay heerka wanaagsan ee horumarka Soomaaliya uuna ku kalsoonayahay in marxaladda wanaagsan ee ay mareyso uu sii horumari doono, dowlaladda Masar-na ay ku taageereyso sidii ay Soomaaliya ku gaari laheyd hadafkeeda hanaanka cadaaladeed ee caalamka, waxuuna ballan qaaday in Masar ay fulineyso dhammaan codsiyada uu Wasiirka ee horumarinta nidaamka bahda Cadaaladda Soomaaliya.

Ambassador Ilyaas, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Caddaaladda Masar marti gelinta wanaagsan iyo jawaab celinta dhammaan codsiyada Soomaaliya ee la soo jeediyay intii lagu guda jiray kulanka oo muujinaysa sida Masar uga go’an tahay inay ka taageerto Soomaaliya dhinacyada kala duwan, gaar ahaan bahda Cadaaladda.

 

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo waajibaadkeeda gudanaysa, kuna howlan horumarinta iskaashiga kala dhexeeya hey’adaha iyo Wasaaradaha wada-shaqeyntu kala dhexeyso ee daafaha caalamka, ayaa sanadkaan dhamaadka ah waxey gaarty guulo waaweyn, waxaana sanadka soo socda qorushu yahay fulinta qorshayaasha hortebinta u leh oo ay kamid yihiin dhammeystirska dastuurka, dib-u-habeynta shuruucda hortebinta leh ee lagu horumarinayo dowladnimada iyo unkidda shuruucda kale ee muhiimka ah u ah ee qeybta ka ah mas’uuliyaadka Wasaaradda.

Previous Post

Labada Aqal ee Baarlamaanka oo ansixiyey guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka

Next Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir looga hadlayo kobcinta Dakhliga ka furay Muqdisho

Next Post
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir looga hadlayo kobcinta Dakhliga ka furay Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir looga hadlayo kobcinta Dakhliga ka furay Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026
0

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah...

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

July 30, 2026
0

Bulshada Galmudug ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada, taas oo ka...

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026
0

Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa saaka safka lagalay kumanaan shacab ah oo ka codeynaya degmada Cadaado, iyagoo dooranaya golaha deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In