Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda oo kulan la qatay Wasiirka Cadaaladda Masar

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiiru-dowlaha Cadaaladda oo kulan la qatay Wasiirka Cadaaladda Masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa Kulan Miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Cadaaladda Masar mudane Cadnaan Fanjari

Wasiiru Dowladda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar oo Qaahira uga qaybgelaya Shirka 40-aad ee Wasiirrada Cadaaladda Carabta iyo Wasiirka Cadaaladda Masar, Mudane Adnaan Fanjari, ayaa yeeshay kulan looga hadlay xoojinta iskaashiga labada wasaaradood, sameynta hannaan wada-shaqeyneed iyo in Masar sii waddo taageertadda Soomaaliya ee masraxyada caalamiga ah.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Ambassador Ilyaas, ayaa Wasiirka la wadaagay sida Soomaaliya ay ugu hanweyntahay iney ka faa’iideysato khibradda Masar ee tababarka shaqaalaha garsoorka, dib-u-habeynta bahda Cadaaladda, dijitaaleynta dhammaan hay’adaha bahda Cadaaladda, waxuuna codsaday in garsoorayaal Masaari ah Soomaaliya loo soo diro si ay uga howl-galaan maxkamadaha, ayna khibarooda ula wadaagaan garsoorayaasha kale ee Soomaaliyeed iyo in taageero laga siiyo bahda Cadaaladda dhismaha maktabad elektaroonic ah iyo machadka sare ee tababarka iyo horumarinta sharciga oo lagu tababarayo garsoorayaasha iyo qareennada si loo xoojiyo shaqada garsoorka qeybihiisa kala duwan iyo in laga taageero arrimaha xeeran dib-u-eegista dastuurka.

Wasiiru dowlaha Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirka Cadaaladda Masar guddoonsiiyay salaan uu madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uga waday Madaxweyne Cabdelfattah Al-Sisi iyo salaan uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uga siday dhiggiisa Masar.

Waxuu sidoo kale Ambassador Ilyaas codsaday in wasaaradda laga taageero kor u qaadida xirfadda iyo karaanka howl-wadeennada bahda Cadaaladda, laguna tababaro Machadka Qaranka ee Ka-hortagga Musuqmaasuqa dalka Masar, si looga caawiyo diyaarinta dhaqan-gelinta ka-hortagga musuqmaasuqa ee Soomaaliya, loona fuliyo Heshiiska Caalamiga ah ee ka-hortagga Musuqmaasuqa ee Qaramada Midoobay.

Ambassador Ilyaas, ayaa soo jeediyay in la sameeyo guddi kormeer oo labada wasaaradood ka kooban oo sanadkii laba jeer kulma kana wada hadla arrimaha bahda cadaaladda ee labada dal, dabagalna ku sameeya dhaqan-galka heshiisyada labada Wasaaradood.

Wasiiru dowlaha, ayaa mudane Adnaan Fanjari ku marti qaaday inuu soo booqdo wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya, si uu u dul istaago horumarka ballaaran ee bahda cadaaladdu ku tilaabsaneyso, waxaana wasiirka Cadaaladda Masar oo aqbalay casuumaadda uu muujiyay sida ay Masar ugu faraxsantahay xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood ka dhexeeya iyo xoojinta iskaashiga labada wasaaradood.

Wasiirka Cadaaladda Masar oo soo dhaweeyay Ambasador Ilyaas iyo wafdiga uu hoggaaminayo, ayaa bogaadiyay heerka wanaagsan ee horumarka Soomaaliya uuna ku kalsoonayahay in marxaladda wanaagsan ee ay mareyso uu sii horumari doono, dowlaladda Masar-na ay ku taageereyso sidii ay Soomaaliya ku gaari laheyd hadafkeeda hanaanka cadaaladeed ee caalamka, waxuuna ballan qaaday in Masar ay fulineyso dhammaan codsiyada uu Wasiirka ee horumarinta nidaamka bahda Cadaaladda Soomaaliya.

Ambassador Ilyaas, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Caddaaladda Masar marti gelinta wanaagsan iyo jawaab celinta dhammaan codsiyada Soomaaliya ee la soo jeediyay intii lagu guda jiray kulanka oo muujinaysa sida Masar uga go’an tahay inay ka taageerto Soomaaliya dhinacyada kala duwan, gaar ahaan bahda Cadaaladda.

 

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo waajibaadkeeda gudanaysa, kuna howlan horumarinta iskaashiga kala dhexeeya hey’adaha iyo Wasaaradaha wada-shaqeyntu kala dhexeyso ee daafaha caalamka, ayaa sanadkaan dhamaadka ah waxey gaarty guulo waaweyn, waxaana sanadka soo socda qorushu yahay fulinta qorshayaasha hortebinta u leh oo ay kamid yihiin dhammeystirska dastuurka, dib-u-habeynta shuruucda hortebinta leh ee lagu horumarinayo dowladnimada iyo unkidda shuruucda kale ee muhiimka ah u ah ee qeybta ka ah mas’uuliyaadka Wasaaradda.

Previous Post

Labada Aqal ee Baarlamaanka oo ansixiyey guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka

Next Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir looga hadlayo kobcinta Dakhliga ka furay Muqdisho

Next Post
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir looga hadlayo kobcinta Dakhliga ka furay Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir looga hadlayo kobcinta Dakhliga ka furay Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In