Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda JFS oo Shahaadooyin guddoonsiiyey Saraakiisha Hab-maamuuska Madaxyooyada Qaranka “Sawirro”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda JFS oo Shahaadooyin guddoonsiiyey Saraakiisha Hab-maamuuska Madaxyooyada Qaranka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdiqaadir Sh. Cali (Baqdaadi) ayaa guddoonsiiyey shahaadooyin hawl wadeennada Hab-maamuuska Madaxtooyada oo uu u soo gaba-gaboobay tababar muddo Seddex Todobaad ah.

Tabbarkaan oo ku saabsanaa anshaxa iyo habmaamuska ayaa inta uu socday waxaa khabiir Soomaaliyeed Danjire Ciise Cali Maxamed oo muddo ka soo shaqeynayey diblumaasiyadda uu la wadaagay Saraakiisha Habmaamuuska Madaxtooyada casharro ku saabsan anshaxa iyo diblumaasiyadda, gaar ahaan xiriirka la mucaamalka diblumaasiyiinta iyo hannaanka soo dhaweynta maamuuska Madaxda Caalamka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ayaa sheegay in casharradan ay qaateen Saraakiisha Habmaamuuska Madaxtooyada ay ka tarjumayaan dib u soo kabashada dalkeenna oo haatan u diyaarsan marti gelinta iyo in ay ku soo hirtaan Madaxda Caalamka.

Dhankiisa, Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Mudane Cabdi Cumar Cali ayaa xusay ahmiyadda ay shaqaalaha Hab-maamuuska u leeyihiin joogteynta taba-barrada iyo tayeyntooda, Waxa uuna u mahadceliyey Safiir Ciise Cali Maxamed “Ciise Dheere” oo aqoonta durugsan iyo waayo aragnimada uu u leeyahay hab-maamuuska u gudbiyey shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdiqaadir Sh. Cali (Baqdaadi), Kusimaha Agaasimaha Guud Ahna Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdillaahi Sh. Cabdikariin iyo Danjire Ciise Cali Maxamed “Ciise Dheere” oo isagu tababarkan u fidiyey hawl-wadeenka Hab-maamuuska Madaxtooyada.

Previous Post

Madaxweynaha JFS Oo Farriin Tacsi Ah U Diray Madaxweynaha Jabuuti, Cismaaciil Cumar Geelle

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Wakiilka QM ee Soomaaliya+Sawirro.

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Wakiilka QM ee Soomaaliya+Sawirro.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Wakiilka QM ee Soomaaliya+Sawirro.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In