Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-dowlaha Warfaafinta oo ka hadlay xariga wariyeyaal “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiiru-dowlaha Warfaafinta oo ka hadlay xariga wariyeyaal “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Bekos oo shir jaraa’id ku  qabtay xarunta Wasaaradda ayaa ka warbixiyay waxqabadka Xukuumadda, horumarka ka  jira  guud ahaan dalka iyo xariga loo geystay suxufiyiin ka tirsan telefishinka Universal.

Wasiiru-dowlaha Warfaafinta ayaa sheegay in xariga wariyeyaasha ay ka warqabaan, isla markaana sharciga lala tiigsan doono

Related posts

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026

“Arrimaha xariga waxbaan ka ognahay, cidkasta oo dambi gasha lama cafinayo, dhowr jeer oo hore digniin ayaa la siiyay oo ciidanka amiga u digeen, wayna ka dhaga adeegeen, dhago adeeega waxa uu u keenay inay waxa ay iyagu rabaan unbay sii daayeen, marka dood wadaag la qabanayo hal dhinac oo kaliya lagama eego oo waa in la helo sharci, sharciga saxaafadda idinka ayaaba iga garanaya, marka sharciga ayaa lala tiigsanayaa” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Warfaafinta.

Wasiiru dowlaha ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku tilaabsatay horumaro dhinacyada amniga iyo arrimaha bulshada ah, waxaana uu intaa ku daray. “Waxqabadka Xukuumadda waxaa ka mid ah arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo tan bulshada, sidoo kale horumarka xagga amni ee ay ku talaabsadeen ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM”ayuu yiri Bekos

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayay ciidamada AMISOM ee jooga dalka ayaa sheegay in dalka aan laga xakumin Xalane, isla markaana aysan dowladda ku jirin wax gumeysi ah, isagoo intaa ku daray in ciidanka AMISOM ay ku joogaan dalak qorshe cad oo ah sidii ciidanka dowlada ay uga caawin lahaayeen la dagaallanka argagixisada.

Wasiiru-dowlaha waxa uu xusay in ciidanka dowladda ay horumar badan ka sameeyeen howlgalladii ay kula wareegayeen deegaanno badan oo ay Shabaabku dadka ku dhibaateyn jireen, waxaana uu intaa raaciyay in Xukuumadda ay xoogga saari doonto sare u qaadida tayada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehelada wiil yar oo ay dileen AMISOM, isagoo sheegay in dowladda ay la xiriirtay ehelada wiilka la dilay, ayna baaritanno dheeraad ah sameyn doonaan.

IMG_5358 IMG_5383 IMG_5386 IMG_5390 IMG_5396

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Jaamacadda Zamzam oo kuliyad cusub lagu soo kordhiyay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka amniga “Guddi ayaan u saarnay baarista wiil ay dileen ciidanka AMISOM”

Next Post
Wasiirka Amniga: “Dhalinyarada la marin habaabiyay ee Shabaabka ku haray, ha isa soo dhiibaan”

Wasiirka amniga “Guddi ayaan u saarnay baarista wiil ay dileen ciidanka AMISOM”

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

January 12, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In