Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-dowlaha Warfaafinta oo ka hadlay xariga wariyeyaal “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiiru-dowlaha Warfaafinta oo ka hadlay xariga wariyeyaal “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Bekos oo shir jaraa’id ku  qabtay xarunta Wasaaradda ayaa ka warbixiyay waxqabadka Xukuumadda, horumarka ka  jira  guud ahaan dalka iyo xariga loo geystay suxufiyiin ka tirsan telefishinka Universal.

Wasiiru-dowlaha Warfaafinta ayaa sheegay in xariga wariyeyaasha ay ka warqabaan, isla markaana sharciga lala tiigsan doono

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

“Arrimaha xariga waxbaan ka ognahay, cidkasta oo dambi gasha lama cafinayo, dhowr jeer oo hore digniin ayaa la siiyay oo ciidanka amiga u digeen, wayna ka dhaga adeegeen, dhago adeeega waxa uu u keenay inay waxa ay iyagu rabaan unbay sii daayeen, marka dood wadaag la qabanayo hal dhinac oo kaliya lagama eego oo waa in la helo sharci, sharciga saxaafadda idinka ayaaba iga garanaya, marka sharciga ayaa lala tiigsanayaa” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Warfaafinta.

Wasiiru dowlaha ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku tilaabsatay horumaro dhinacyada amniga iyo arrimaha bulshada ah, waxaana uu intaa ku daray. “Waxqabadka Xukuumadda waxaa ka mid ah arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo tan bulshada, sidoo kale horumarka xagga amni ee ay ku talaabsadeen ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM”ayuu yiri Bekos

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayay ciidamada AMISOM ee jooga dalka ayaa sheegay in dalka aan laga xakumin Xalane, isla markaana aysan dowladda ku jirin wax gumeysi ah, isagoo intaa ku daray in ciidanka AMISOM ay ku joogaan dalak qorshe cad oo ah sidii ciidanka dowlada ay uga caawin lahaayeen la dagaallanka argagixisada.

Wasiiru-dowlaha waxa uu xusay in ciidanka dowladda ay horumar badan ka sameeyeen howlgalladii ay kula wareegayeen deegaanno badan oo ay Shabaabku dadka ku dhibaateyn jireen, waxaana uu intaa raaciyay in Xukuumadda ay xoogga saari doonto sare u qaadida tayada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehelada wiil yar oo ay dileen AMISOM, isagoo sheegay in dowladda ay la xiriirtay ehelada wiilka la dilay, ayna baaritanno dheeraad ah sameyn doonaan.

IMG_5358 IMG_5383 IMG_5386 IMG_5390 IMG_5396

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Jaamacadda Zamzam oo kuliyad cusub lagu soo kordhiyay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka amniga “Guddi ayaan u saarnay baarista wiil ay dileen ciidanka AMISOM”

Next Post
Wasiirka Amniga: “Dhalinyarada la marin habaabiyay ee Shabaabka ku haray, ha isa soo dhiibaan”

Wasiirka amniga “Guddi ayaan u saarnay baarista wiil ay dileen ciidanka AMISOM”

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In