Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha Warfaafinta oo la kulmay Wasiirka Warfaafinta ee Suudaan iyo Wasiiro kale ”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha Warfaafinta oo la kulmay Wasiirka Warfaafinta ee Suudaan iyo Wasiiro kale ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Bekos oo ka qayb galaya shir looga hadlayay kaalinta Warfaafinta ku qaadan karto ka hortaga iyo ciribtirka Argagaxisada, oo ayna kasoo qayb galayeen Wasiirada Warfaafinta Dowladaha Carabta ayaa waxa uu kulan la qaatay Wasiirka Warfaafinta Dowladda Suudaan Dr. Axmed Bilaal Cusmaan.

Sidoo kale Wasiir Bekos ayaa kulan la qaatay Wasiirada Dalxiiska iyo Dhaqanka e Dowladda Suudaan iyagoo ka wada hadlay xariirka labada dal gaar ahaan sidii iskaashi ay u sameen lahaayeen Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo Wasaaradahaas.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiiru Dowlaha oo kulan la qaatay Wasiirka Warfaafinta Suudaan ayaa marka hore ka warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya xiligan marayso iyo sida ay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka u shaqayso xiligan iyo horumarka wayn ee tiigsatay Wasaaradda.

Wasiir Bekos ayaa ayaa u sheegay Wasiirka Warfaafinta Suudaan in ay jiraan baahiyo badan oo ay wasaaradda qabto oo ay ka mid tahay tababaro wariyaasha loo sameeyo iyo in xooga la saaro in la helo TV u gaar ah luuqada carabiga oo bilow iyo dhamaad laga soo daayo heeso iyo barnaamijyo carabi ah si ay ula jaan qaadaan walaalahood carbeed.

Wasiirka Warfaafinta Suudaan Axmed Bilaal Cusmaan oo isagana ka hadlay ayaa u mahadnaqay marka hore in wasiir ahaan soo ajiibo martiqaadkii Wasaaradda loo fidiyay ee ay shirka uga soo qayb galeen oo ay Dowladda Suudaan sanadkan marti galinaysay.

Bilaal ayaa u sheegay in Dowladda Suudaan mar walba ay garab taagan tahay dowladda ay walaalaha yihiin ee Soomaaliya ayna diyaar u tahay sidii ay taageero dhan walba ah ugu fidin lahayd.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dhaqanka ee Dowladda Suudaan Mudane Attayib Xasan Badawi isagoo xafiiskiisa ku qaabilay ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii labada dowladood gaar ahaan labada wasaaradood isaga kaashan lahaayeen is dhexgalka iyo in dhaqanka midba midka kale u faafiyo maadaama ay yihiin labada shacab ee Soomaaliya iyo Suudaan dad isku dhaqan dhaw.

Waxa oo kale uu Wasiir Maxamuud Cabdi Xasan Bekos kulan kula qaatay xafiiskiisa Wasiirka Dalxiiska ee Dowladda Suudaan Maxamuud Abu Zayd Mustafa iyagoo ka hadlay sida dalxiiska laysaga kaashan lahaa iyo khibrahana laba dhan laysku dhaafsan lahaa.

Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in Soomaaliya xiligan nabad ka hana qaaday dowladdana ay dadaal ugu jirto sidii loo soo celin lahaa sidii dalxiis wadanka loogu imaan lahaa, dhanka amaankana maalmahan uu aad uga wanaagsan yahay xiliyadii hore.

Wasiirka Dalxiiska ee Dowladda Suudaan Maxamuud Abu Zayd ayaa sheegay in ay dhinacooda diyaar u yihiin in ay xariir iskaashi sameeyaan labadaas wasaaradood layskana kaashado tababarada iyo sida loo qurxiyo xarumaha iyo meelaha loo dalxiis tago ee labada dowladood leeyihiin.

Wasiir Bekos ayaa Khartoum uga qayb galay shir ay Soo baabushay jaamacadda Carabta ayna Dowladda Suudaan gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta Suudaan ay soo qaban qaabisay.

1 16 14 12 9 8 5 4 2

Previous Post

John Kerry oo la kulmi doona wasiirada arimaha dibadda bariga Afrika

Next Post

Daawo sawirada xafladii Olympickada oo xalay la soo gunaanaday

Next Post
Daawo sawirada xafladii Olympickada oo xalay la soo gunaanaday

Daawo sawirada xafladii Olympickada oo xalay la soo gunaanaday

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In