Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha Warfaafinta oo la kulmay Wasiirka Warfaafinta ee Suudaan iyo Wasiiro kale ”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha Warfaafinta oo la kulmay Wasiirka Warfaafinta ee Suudaan iyo Wasiiro kale ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Bekos oo ka qayb galaya shir looga hadlayay kaalinta Warfaafinta ku qaadan karto ka hortaga iyo ciribtirka Argagaxisada, oo ayna kasoo qayb galayeen Wasiirada Warfaafinta Dowladaha Carabta ayaa waxa uu kulan la qaatay Wasiirka Warfaafinta Dowladda Suudaan Dr. Axmed Bilaal Cusmaan.

Sidoo kale Wasiir Bekos ayaa kulan la qaatay Wasiirada Dalxiiska iyo Dhaqanka e Dowladda Suudaan iyagoo ka wada hadlay xariirka labada dal gaar ahaan sidii iskaashi ay u sameen lahaayeen Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo Wasaaradahaas.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiiru Dowlaha oo kulan la qaatay Wasiirka Warfaafinta Suudaan ayaa marka hore ka warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya xiligan marayso iyo sida ay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka u shaqayso xiligan iyo horumarka wayn ee tiigsatay Wasaaradda.

Wasiir Bekos ayaa ayaa u sheegay Wasiirka Warfaafinta Suudaan in ay jiraan baahiyo badan oo ay wasaaradda qabto oo ay ka mid tahay tababaro wariyaasha loo sameeyo iyo in xooga la saaro in la helo TV u gaar ah luuqada carabiga oo bilow iyo dhamaad laga soo daayo heeso iyo barnaamijyo carabi ah si ay ula jaan qaadaan walaalahood carbeed.

Wasiirka Warfaafinta Suudaan Axmed Bilaal Cusmaan oo isagana ka hadlay ayaa u mahadnaqay marka hore in wasiir ahaan soo ajiibo martiqaadkii Wasaaradda loo fidiyay ee ay shirka uga soo qayb galeen oo ay Dowladda Suudaan sanadkan marti galinaysay.

Bilaal ayaa u sheegay in Dowladda Suudaan mar walba ay garab taagan tahay dowladda ay walaalaha yihiin ee Soomaaliya ayna diyaar u tahay sidii ay taageero dhan walba ah ugu fidin lahayd.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dhaqanka ee Dowladda Suudaan Mudane Attayib Xasan Badawi isagoo xafiiskiisa ku qaabilay ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii labada dowladood gaar ahaan labada wasaaradood isaga kaashan lahaayeen is dhexgalka iyo in dhaqanka midba midka kale u faafiyo maadaama ay yihiin labada shacab ee Soomaaliya iyo Suudaan dad isku dhaqan dhaw.

Waxa oo kale uu Wasiir Maxamuud Cabdi Xasan Bekos kulan kula qaatay xafiiskiisa Wasiirka Dalxiiska ee Dowladda Suudaan Maxamuud Abu Zayd Mustafa iyagoo ka hadlay sida dalxiiska laysaga kaashan lahaa iyo khibrahana laba dhan laysku dhaafsan lahaa.

Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in Soomaaliya xiligan nabad ka hana qaaday dowladdana ay dadaal ugu jirto sidii loo soo celin lahaa sidii dalxiis wadanka loogu imaan lahaa, dhanka amaankana maalmahan uu aad uga wanaagsan yahay xiliyadii hore.

Wasiirka Dalxiiska ee Dowladda Suudaan Maxamuud Abu Zayd ayaa sheegay in ay dhinacooda diyaar u yihiin in ay xariir iskaashi sameeyaan labadaas wasaaradood layskana kaashado tababarada iyo sida loo qurxiyo xarumaha iyo meelaha loo dalxiis tago ee labada dowladood leeyihiin.

Wasiir Bekos ayaa Khartoum uga qayb galay shir ay Soo baabushay jaamacadda Carabta ayna Dowladda Suudaan gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta Suudaan ay soo qaban qaabisay.

1 16 14 12 9 8 5 4 2

Previous Post

John Kerry oo la kulmi doona wasiirada arimaha dibadda bariga Afrika

Next Post

Daawo sawirada xafladii Olympickada oo xalay la soo gunaanaday

Next Post
Daawo sawirada xafladii Olympickada oo xalay la soo gunaanaday

Daawo sawirada xafladii Olympickada oo xalay la soo gunaanaday

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In