Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo sheegay iney muhiim tahay in laga wada qeyb qaato horumarinta Waxbarashada+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo sheegay iney muhiim tahay in laga wada qeyb qaato horumarinta Waxbarashada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay barnaamij cilmi baarisa ah oo ku saabsan hindise lagu kobcinayo, aqoonta, xirfadda iyo karaanka dadka Soomaaliyeed.

Barnaamijkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan dowladda federaalka, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale,waxana barnaamijkan si wada jir ah u soo qaban qaabiyay machadka Heritage  iyo jaamacadda City.

Related posts

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026

Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa tilmaamay in ka wasaaradd ahaan ay door ka qaadanayaan wax kasta oo lagu horumarinayo waxbarashada dalka, islamarkana loo baahan yahay in wada jir looga qeyb qaato horumarinta waxbarashada.

“Barnaamijkan oo ah mid  cilmi baaris lagu sameynayo arrimaha kala ah, Hindise lagu kobcinayo, aqoonta, Xirfadda, iyo karaanka dadka Soomaaliyeed, ka wasaarad ahaan waxaan door muhiim ah ka qaadaneynaa wax kasta oo lagu horumarinayo aqoonta dadka Soomaaliyeed, si looga gudbo jahliga”ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa tilmaamay  in arintan ay kaalin ka qaadaneyso horumarinta waxbarashada dalka.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in dalka uu soo maray dhibaatooyin kala duwan islamarkana hadda uu ka soo kabanayo, sidaasi darteed waxaa na looga fadhiya inaan gacmaha isku qabsano horumarinta waxbarashada.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka , si kor loogu qaado garaadka carruurta Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Next Post

Xaalado Bini aadanimo oo ka taagan Deegaanka Wasil ee Gobalka Mudug

Next Post
Xaalado Bini aadanimo oo ka taagan Deegaanka Wasil ee Gobalka Mudug

Xaalado Bini aadanimo oo ka taagan Deegaanka Wasil ee Gobalka Mudug

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In