Wasiiru Dawlaha Xafiiska Raisul Wasaaraha J.F.S ayaa magaalada Orso ee dalka Shiinaha uga qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen madax ka socotay 120 dalย oo looga hadlaayo la dagaalanka nabadguurka dunida.
Kulankaasi oo ah kii 13aad,waxaa kalooย ka qeybgalay in ka badasn 30-heyโadood ,iyadoo 2-dii sanoba mar Qaramadaย Midoobay ay diyaariso kulankaasi.
Kulankaan oo bilowday 6-dii Bishan ayaa Maalinta barri ah la soo gabagabeen doonaa ,waxaa ย looga dooday sida ugu haboon ee wax looga qaban karo nabadguurka ku yimaada dhulka.
Wasiiru Dawlaha Xafiiska Raisul Wasaaraha J.F oo ka hadlay kulankaasi ayaa xaqiijiyay in dhibaatooyinka ka heysta abaaraha ku soo noqnoqday Soomalya ay qeyb ka yihiin dhoofinta dhuxusha oo uu tilmaamay in xilligaan lagu guuleystay joojinta adeegaasi.
Wasiiirku wuxuu qiray in Dawladdaย cusub ay u heelan tahay ย sidii arrimaha nabaad guurka wax looga qaban lahaa isagoo intaa raaciyay in ay socdaan olole dhir abuuris ah si ayuu yiri loo badbaadiyo nolol dhaqameedka reer miyiga.
Intii uuย socday kulankaasi Wasiirku wuxuu si gaar gaar ah ula kulmay madax ka kala socday Shiinah, Kanada, Turkey, Ethiopia, Koofur Afrika, Estonia iyo kuwa kale ย oo ka socday hayadaha caalamiga.