Wasiiru dawlahii hore ee Wasaaradda amniga gudaha oo ka hadlay khilaafaadka ka dhex taagan horjoogayaasha kooxaha argagixisada Soomaalida iyo Ajaanibta ka wada tirsan khawaraarijta Al-shabaab ayaa sheegay in ay sabab u tahay guul darrooyin is xig-xiga iyo khilaaf sababay in ay kala shakiyaan.
Wasiir, Farxaan Cali Axmad oo u warramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in khilaafaadka ka dhex oogan khawaarijta uu yimid ka dib Markii ay ku jabeen howlgallada iyo ugaarsiga ay ku hayaan ciidamada dawladda Sooamaliya, isagoo bogaadiyay istaraatiijiyadda dagaalka ee ay dowladda u dejisay gulufka ka dhanka ah khaawaarijta.