Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Xayir ayaa magaalada jowhar maanta dhagax dhigay dayactir lagu samaynayo 5km oo ka mid ah wadada isku xirta Muqdisho iyo jowhar.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiir Xayir ayaa magaalada jowhar maanta dhagax dhigay dayactir lagu samaynayo 5km oo ka mid ah wadada isku xirta Muqdisho iyo jowhar.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026

 Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa maanta dhagax dhigay dayactir balaaran oo lagu samaynayo 5 km oo ka mid ah wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, waxaana munaasabada kala soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele mudane Cali Guudlaawe, Wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabelle, Xariiriyaha Mashruuca horumarinta u qaabislan Wasaaradda Maaliyadda Cali Xaaji iyo masuuliyiin kale.

Ugu horayntii Cali Xaaji ayaa sheegay in mashruucaan lagu hormarinayo kaabayaasha maamulada dalka oo uu bixinayo Bangiga Aduunku uu mudo ahba ka socday qayb ka mid ah dalka waxaan lagu guulaystay in la dayactiro dhismayaal badan oo ku yaala magaalooyin ka mid ah goboladda dalka, sida: Dhuusamareeb, Baladweyne, Guriceel iyo maanta oo la dhagax dhigay wadada xiriirsa Jowhar iyo Muqdisho.

Sidoo kale Wasiir Xayir ayaa sheegay in dayactirka wadadaan ay qayb ka tahay mashaariic badan oo dowladu ugu tala gashay in lagu horamariyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

“Mashruucaan aan saaka dhagax dhigeyno waa mid ay fulinayso Wasaaradda Maaliyadda, Mashruucaan waxaa la yiraahdaa SFF-LD, Waa mashruuc loogu talagalay in lagu tayeeyo, korna loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha, dayactirka dhismayaasha Dowladda iyo Daboolida baahiyaha ka imanaya Bulshada. Mashruucaan waxaa loogu tala galay in laga hirgaliyo 13 Gobol oo ka mid ah 18 gobol ee Soomaaliya, qaarna waa lagu guulaystay in laga hirgaliyo kuwo kalena hadda la qorsheynayaa” ayuu yiri Wasiir Xayir oo dhanka kale xusay in ka dowlad ahaan ay ka tabar yar yihiin in ay wadada dhan wada dayactirto, lakiin waxaa farxad ii ah in maata laga hadlayo waddo ama dhisme ayadoo shalay lagu mashquulsanaa Gaajo ama Abaar ama qaybinta mucaawinooyinka.

Ugu danbayntii Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa  dhankiisa u mahadceliyey waftiga ka socday dowladda federaalka ah, wuxuuna sheegay in gobolkaan yahay mid qaba baahiyo badan loona baahan yahay in wax laga qabto.

“Umadda Hir-Shabeelle Xaqiiqdii baahi weyn ayay u qabaan in wax laga qabto dhibaatooyinka Waddooyinka ee Gobolada Maamulkeena. Sida aad qirtay Mudane Wasiir Maamulkaan waa Hodan laakiin u baahan in la garab istaago marka Mudanayaal Maanta waxaa inoo Farxad ah inaan Dhagax dhigno wadadaan Muhiim ah ah inta dhimanna way iska imaandoontaa insha Allaah.”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Shibis oo caawa u soo gudbay afar dhamaadka

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In