Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wax garadka Warsheekh oo Dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ka codsaday in wax laga qabto baahiyaha ka jira Degmada+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wax garadka Warsheekh oo Dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ka codsaday in wax laga qabto baahiyaha ka jira Degmada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Warsheekh  ee Gobolka Shabeellada dhexe ayaa  kulan looga hadlayay baahiyaha  guud  ee ka jira Degmada iyo sidii wax looga qabn lahaa la qaatay wax garadka iyo Bulshada halkaasi ku dhaqan.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen maamulka Degmada, Odayaasha dhaqanka, Haweenka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa looga dooday sidii xal looga gaari lahaa dhibaatooyinka kala duwan ee jira Degmada.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Xersi Maxamed Nageey, oo ka mid ah wax garadka Degmada Warsheekh ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in laga taageero soo celinta adeegyada Bulshada,sida caafimaadka,wax barashada amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Wuxuu sidoo kale Dowladda federaalka Soomaalia iyo maamul Goboleedka Hirshabeelle ka codsady in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira Degmada Warsheekh.

Odayaasha, Haweenka iyo wax garadka ka qeyb galay kulanka ayaa Dowladda dhexe maamulka Hirshabeelle ka codsaday in dib u dhis ay ku sameeyaan Waddada isku xirta Muqdisho iyo Degmada Warsheekh, si ay u yaraato caqabadaha ay kala kulmaan Bacaadka faraha badan ee xiray halkaasi.

Binti Cali Maxamuud, oo ka mid ah Umulisooyinka Degmada Warsheekh ayaa sheegtay in ay jiraan dhibaatooyin xagga caafimaadka ah oo ay la kulmaan Haweenka, gaar ahaan xilliga dhalmada, waxanay xustay in ay qaarkood u dhintaan Dhiig bax, waxanay Dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabeelle ka codsatay in ay baaqooda ka jawaabaan.

                

Previous Post

Shir looga hadlayo fikirka xagjirka oo Muqdisho ka furmay

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo kormeereysa Iskuulada dalka

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada XFS oo kormeereysa Iskuulada dalka

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo kormeereysa Iskuulada dalka

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In