Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wax ka bedelka Dastuurka Turkiga oo HAA loogu codeeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wax ka bedelka Dastuurka Turkiga oo HAA loogu codeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xisbiga talada haya ee dalka Turkiga ayaa ku guuleystay aftidi dastuurka wax looga badalayey ee shalay ka dhacday dalkaasi, taasi oo ka dhigan Turkiga uu u guuray habka ama nidaamka Madaxweynaha, halka uu markii hore uu ahaa in awoodda talada Dalka ay wada lahaayeen Barlamaanka iyo Raiisul-wasaaraha.

Guddiga Doorashooyinka ayaa xalay saqdi dhexe xaqiijiyey in 51 boqolkiiba shacabka Turkiga ay u codeeyeen in nidaamkii soo jireenka ahaa ee baarlamaaniga Turkiga laga dhigo mid Madaxweyne, halka dadka ka soo horjeeday ee mayada ah ugu codeysay ay heleen wax ka yar 49 boqolkiiba.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga Binali Yildrim ayaa ku dhowaaqay in aftidii laga qaaday shacabka Turkiga ay guul ku dhamaatay waxana awooda loo gacan geliyay Madaxweyne Erdogan, wuxuuna yiri: ‘Habka Madaxtooyada ayaa ku guuleystay doorashada iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin natiijada rasmiga ah”.

Raiisul-wasaaraha oo la hadlayay dad gaaraya saddex kun oo ruux kuna sugnaa xarunta xisbiga cadaalada iyo horumarka ee Magaalada Ankara ayuu ku tilmaamay doorashada Ra’iisal wasaare Yildrim”Waa go’aan ay dadku gaareen,taariikhdeena dimuqraadiyadana bog cusub ayaa u furmay.”

Wakaalada wararka ee ay dowlada Turkigu maamusho ee Anadolu ayaa waxa ay sheegtay in 51.3 boqolkiiba ay u codeeyeen HAA halka 48.7 boqolkiiba ay u codeeyeen MAYA codadka la tiriyay oo gaaraya 99 boqolkiiba.

Madaxweyne Erdogan ayaa soo dhoweeyay natiijada isagoo ku tilmaamay “Go’aan Taariiqi ah”, aftidan ayaa haddii ay dhabowdo waxa ay siineysaa Madaxweyne Erdogan in uu xafiiska sii joogayo illaa laga gaarayo sanadka 2029-ka.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo la hadlaayay Taageeerayaashiisa oo isugu soo baxay Qasrigiisa ee Magaalada Istambuul ayaa yiri “Dadka u codeeyay HAA in loo wareego habka Madaxweynimada ay xaliyeen colaaddii jirsatay 200 ee sano, waxaana ku xalineynaa in aan u guurno nidaamka Madaxweyninimada”, isagoo cod dheer ku hadlaya ayaa waxa uu sheegay in arrintani ay calaamad weyn u tahay ilaalinta mustaqbalka Qaranka Dalka Turkiga, wuxuuna u mahadceliyay 25-ka Malyan ee u codeysay Haa.

Inkastoo Xisbiyada Mucaaradka ay ka soo horjeesteen Aftidaasi, ayaa waxaa la diidi karin ama la inkiri karin in si weyn uu u guuleystay Madaxweynaha hadda xilka haya, kaasoo awood u siinaya inuu Dalka laga maamulo Madaxtooyada, halka markii hore looga wada arrimi jiray Baarlamaanka iyo Raiisul-wasaaraha oo markaasi awood badan lahaa.

W.Qorey:- C/llaahi Ruush

Previous Post

Dalka Imaaraadka Carabta oo bilaabay olole lagu taageerayo dadka la ildaran abaaraha ee Somaaliya

Next Post

Wasiirka Warfaafinta JFS oo kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda

Next Post
Wasiirka Warfaafinta JFS oo kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda

Wasiirka Warfaafinta JFS oo kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In