(W. Q. Eng Cabdi Cashur Xasan) Labo sano ku dhowaad ayaa laga joogaa markii xukuumad iyo wasaarad ahaanba aan xilka la wareegnay, sidoo kale sanad iyo bar ayaa laga joogaa markii uu Madaxweynuhu saxiixay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka. Marka la eego waqtiga dheer ee sharcigan la sugayay in la ansixiyo waxaan dareemayaa in shacabku dhararayaan waqtiga ay guran doonaan mirahii sharcigan ka dhashay. Inkastoo dadka badankiis la socdaan in kheyraadka dalkeena ay yihiin xoolaha, beeraha, iyo badda, haddana kheyraadka hawada isgaarsiinta (spectrum) kama ahmiyad yara kuwaas hore, weliba haddii aan aragti furfuran la nimaadno waxaan gaari karnaa in aan abuurno dhaqaale ku dhisan aqoon iyo macluumaad (information & knowledge economy) oo aan uga qeyb gali karnaa horumarka baaxadda leh ee sida xowliga ah ku socda ee adduunku ka samayeeyey dhinaca tiknolojiyadda iyo Isgaarsiinta. Hase yeeshee, inta aynan u gudo-galin hawlaha aynu qabanay iyo kuwa qorsheysan, waxaa habboon inaan idinla wadaago sida ay ahayd xaaladda isgaarsiinta dalka iyo kaalinta ay dawladdu ku lahayd markii aan xilka la wareegeynay, inagoo mar walba ka eegeyna saddexda xagal ee kala ah: shacabka, shirkadaha iyo dawladda. XAALADDA JIRTAY Shirkadaha: Shirkaduhu ma haysanin nidaam kala ilaaliya hirarka iyo lambarrada ay isticmaalaan, marka laga reebo inay dhexdooda ka heshiiyaan sida ay u qeybsanayaan hirarka. Maadaama shirkaduhu sameysmeen iyada oo uusan sharci jirin, shirkad weliba waxay ku khasbaneyd inay iyadu cabbirato hirka, lambarrada iyo qaabka ay u shaqeynayso, haddii lagu soo xad-gudbana inay waanwaan ka gasho. Maqnaanshaha nidaamka iyo sharciga ayaa waxa uu caqabad ku noqdey horumarinta adeegyada iyo tartan nadiif ah oo ka hirgela suuqa isgaarsiinta dalka. Shacabka: Shacabku waxay ku khasbanaadeen inay sitaan 2 ama 3 taleefoonka gacanta maadaama aysan shirkadaha badankood isku xirneyn dhinaca hadalka isku diridda lacagaha taleefoonka, ma jirin wax heshiis isticmaal oo ka dhexeeya shirkadaha iyo macaamiishooda taas oo nugleysay ilaalinta xuquuda macaamiisha. Sidoo kale ma jirin cid ilaalisa bedqabka dadweynaha, iyadoo la kontoroolayo qalabka la soo dajinayo, goobaha laga surayo anteenooyinka iyo awoodda shucaaca ay sii deynayaan. Dawladda: Tan iyo 2005tii waxaa lagu guuleysan waayey in la ansixiyo sharci kala haga isgaarsiinta dalka , sidoo kale waxa aanan jirin wax xog ah oo wasaaraddu ka haysay shirkadaha isgaarsiinta dalka. Ilaa tobaneeyo shirkadood ayaa sheegatay inay haystaan diiwaangelin, hirar iyo lambarro, iyadoo Wasaaradda aysan oolin xitaa hal nuqul oo rasmi ah oo shirkadahaas laga reebay, dhinaca kale dakhliga dawladda ka soo gali jiray shirkadaha wuxuu ahaa mid aad u yar oo aan ku saleysneyn halbeeg la isla ogyahay. GOGOL-XAAR
Nasiib wanaag dalkeenu maanta wuxa uu leeyahay sharci isgaarsiin iyo hay’ad isgaarsiineed oo suuqa inoo nidaamisa. Haddaba waxaan markan aan u soo jeesaneynaa in, iyadoo sharciga la raacayo, shirkadaha ka ganacsada suuqan oo isugu jira isgaarsiin iyo internet, ay bixiyaan xuquuqda ay dawladdu iyo shacabku ugu leeyihiin kheyraadka hawada ee ay adeegsadaan, iyadoo dowladdu ay diyaar u tahay in ay ka caawiso dhinaca horumarinta iyo nidaaminta, kala-xadeynta adeegyada, bixinta rukhsadaha iyo diyaarinta xeer-nidaamiyayaashii ay ku howlgeli lahaayeen ama ku soo jiidan lahaayeen maalgelin iyo taageero farsamo. Labadii sano ee la soo dhaafay waxa aan ku howlaneyn dhismaha aasaaskii sharciyeed ee hawlahan lagu qaban lahaa, iyadoo shirkaduhuna ay sii wadeen inay si duuduub ah u bixiyaan canshuuraha. Waxaase xusid mudan, oo aan uga mahadcelinayaa shirkadaha, in dakhligii ay dawladdu ka heli jirtay shirkadaha uu kordhay 3 jibbaar sanadihii 2017-2018, marka la barbardhigo sanadkii 2016 iyo wixii ka horreeyay taas oo ku timid wadahadal iyo garowshiyo labada dhinacba ah, taasi oo qeyb weyn ka qaadatay in Wasaaraddeena maaliyaddu ku guuleysato bartilmaameedyadii ay ku heshiiyeen IMF. Mar haddii la dhisay aasaaskii waxaa la soo gaaray waqtigii shacabka Soomaaliyeed guran lahaayeen mirihii ka dhashay sharciga. Waxaana ugu soo horreyn doona oo aad inagula xisaabtami doontaan haddii Eebbe idmo:
NOOCYADA CANSHUURAHA IYO KHIDMOOYINKA Noocyada Canshuuraha iyo khidmadaha caadiyan la qaado: • Rukhsadda lagu shaqeeyo (License to operate) oo billowga ah. Dhammaan shirkadaha isgaarsiinta waxaa laga doonayaa inay qaataan rukhsad maadaama wixii hadda ka horreeyay uusan jirin sharci. Rukhsadda ay qaadanayaan shirkadihii hore u jiray waxay aad uga jabnaan doontaa midda ay bixin doonaan shirkadaha cusub, sida uu dhigayo Sharciga Isgaarsiinta. Khidmadahan iyo canshuuraha oo nagala dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda hal mar ma wada billaaban doonaan ee waxaa loo kala hormarin doonaa sida ay u kala muhiimsan yihiin ee suurtogalka ah, iyadoo loo sameynayo nidaam daah-furan oo lacagaha loogu shubayo Khasnadda Dawladda ee Bankiga Dhexe oo waafaqsan qorshaha hal khasnad ee xukuumadda iyo nidaamka canshuuraha dalka. Balse waxaa lama huraan ah in ay hirgelaan dhammaan noocyada kala duwan ee canshuurahani ka hor dhammaadka sannadkan 2019, loona diyaariyo hab-raacyadii iyo ansixinnada lagama-maarmaanka ah ee ay u baahan yihiin. WADAR FAA’IIDO Shirkadaha: waxa ay bixin doonaan xuquuqda uu dalku ku leeyahay maadaama ay adeegsanayaan kheyraadka hawada oo uu Soomaali kasta wax ku leeyahay. Waxaa xusid mudan in shirkaduhu ka faa’iidayaan nidaamka cusub maadaama ay heli doonaan dakhli aan haddaba soo galin, iyo addeeg kale oo sare u qaadi doona tayada adeegyada ay bixiyaan, shirkaduhu marka ay bixiyaan xuquuqdooda waxa ay helayaan dammaanad-qaad la xiriira rukhsaddaha iyo hirarka ay isticmaalaan, taas oo qiimaha shirkadahooda wax weyn ku kordhin doonta. Dawladda: Dakhliga Dawladda ka soo gala isgaarsiinta waxa uu qeyb weyn ka noqon doonaa miisaaniyadda dawladda, iyada oo qeybo badan oo dakhligaas ahna ummadda loogu beddelayo waxbarasho, caafimaad, jidad iyo baahinta isgaarsiinta iyo internetka si ay u kabaan dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale la marsiin doonaa nidaamka lagu qeybsado kheyraadka si dawlad-goboleedyaduna uga helaan xuquuqda ay arrintaan ku leeyihiin, iyadoo arrintaasi ay Wasaaraddu uga dambeyn doonto hay’adaha shaqada ku leh. Shacabka: Shacabku waxay helayaan isgaarsiin isku furan oo ay ku kala dooran karaan adeegyadooda, waxayna helayaan daryeel sugan oo la xiriira xuquuqdooda isticmaal. Waxa ayna sidoo kale helayaan in canshuurta iyo khidmado ku filan laga soo xareeyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada, iyada oo qeybo badan oo dakhligaas ka mid ahna dib loogu celinayo isla isgaarsiinta si loo dhiso kaabayaasha oo faa’iidadeeda u dareemi karo muwaadin kasta. Waxaan ku faraxsanahay in sanadkan la soo gaaray waqtigii laga wada faa’iideysan lahaa mirihii ka dhashay sharciga isgaarsiinta. Faa’iidooyinkaas aan soo sheegnay ee dhinac kasta ka faa’iidayo waxaa la gaari karaa marka laga wada shaqeeyo horumarka dalkan. Ugu dambeyntii, Waxa aan u macadcelinayaa dhammaan madaxda sare ee qaranka, labada aqal ee baarlamaanka, Golaha Wasiirrada, guud ahaan howl-wadeennada Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada iyo dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta dalka oo wada-shaqeyntooda kooxeed la’aanteed aysan inoo suurto-geli lahayn in aan hirgelino howshan. Dhammaanteen waxaan qeyb ka noqon doonaa taariikhda habeynta iyo horumarinta isgaarsiinta dalka. Eng Cabdi Cashur Xasan waa wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada Soomaaliya. Wuxuu shahaadada 1aad ka qaatay Jaamacadda Ummadda, halka shahaadada 2aad uu ka qaatay Kulliyadda Sayniska & Teknolojiyada ee Jaamacadda Manchester (UK), 1988. |
……………………… Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha |