Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxgaradka Balanbal iyo Guriceel oo ka heshiiyay colaado horey u dhacay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Dhageyso: G/ Gobolka Galguduud oo  sheegay in ay ka shaqeynayaan horumarka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxgaradka Degmada Balanbal iyo deegaanka Guriceel oo gacan ka helaya Dawladda dhexe ee dalka ayaa wada dadaalo lagu xoojinayo nabad gelyada, isla markaana lagu dhameynayo xiisado ay dad ku dhinteen dabayaaqadii sanadkii hore, kuwaa oo ka socda degmada Balanbal iyo deegaanada hoos yimaada.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Waxgaradka ayaa guda galay baxinta diyada dadkii dhintay, si agoomaha iyo ehelada marxuumiinta looga samir siiyo dadka ay ku waayeen xiisadihii ka dhacay deegaanka,  4. nin oo ugu dambaysay dilalkii dhacay sanadkii hore ee ku dhintay deegaanka Turbi ee hoos yimaada Degmada Balanballe 11.kii November 2018 ayaa maanta la bixiyay diyadooda.

Cabdiqadar Shekh Faarax Xasan Deer oo ah samafale Soomaaliyeed oo ku nool dalka Kenya ayaa bixiyay diyada marxuumiinta 4.ta ah oo ku dhintay xiisadihii ugu dambeeyay ee dhacay sanadkii tagay Gobolka Galgaduud.

Odayaasha ehelka u ahaa marxuumiinta ayaa sheegay inay ku qanceeen diyada la siiyay, ayna diyaar u yihiin Nabadda, waxayna u mahadceliyeen muxsiniinta dhiibay diyada oo door mugle ku leh dadaalada loogu jiro Nabadda Gobolka.

Ugaas Axmed Barre Cali, Axmed Caafi iyo Sheekh Abuukar oo ah Gudoomiyaha Gudiga Xasilinta Galmudug ahna la taliyaha Madaxweynaha dalka ee dhinaca arrimaha Diinta  oo qayb ka ahaa dadaaladan socda ayaa ku baaqay in laga wada qayb qaato Xasilinta Nabadgalyada, lana la xoojiyo wada degananashiyaha Gobolka, isla markaana laga hortago cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso Nabadgelyada bulshada ku wada dhaqan Gobolka Galgaduud.

Previous Post

Maxkamad ku taalla Kenya oo sii deysay Saddex Qof oo loo haystay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab

Next Post

Kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In