Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxgaradka degmooyinka Balanbal iyo Guriceel oo heshiis kala saxiixday “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Waxgaradka degmooyinka Balanbal iyo Guriceel oo heshiis kala saxiixday “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxgaradka magaalooyinka Balanbal iyo Guriceel oo kaashanayay dadka samaha jecel ayaa heshiis horudhac ah ka gaaray shir uga socday magaalada Balanbal oo looga hadlayay dhacdadii ka dhacday 11.kii Bishii Novembar 2015 Duleedka degmada Balambal ee gobolka Galgaduud.

Wadahadaladan oo ahaa kuwa lagu doonayay in xal looga gaaro dhacdadaasi oo u socday mudo laba cishaa xubno dhaqan ah oo hawshaasi u guntaday xalkeeda wixii ka dambeeyay dilkii jid galka ahaa ee loogaystay mas’uuliyiin ka soo qaybgaly dhismaha maamulka degmada Balanbal oo dib ugu laabanayay magaalada Guriceel.

Related posts

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

July 11, 2026
Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

July 11, 2026

Waxgaradka Degmada Balambal oo lahaa fidinta gogosha looga xaajoonayay dhacdadaasi oo laheyd dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, ayaa ka garaabay Wixii dhacay Waqtigaasi waxayna ka bixiyeen Xaal iyo Raali gelin.

Nabadoon Cabdirisaaq Cabdulle Igaal (Guduudow) oo ka mid ah xubnaha Balanbal ee fidisay gogosha ayaa soo dhaweeyay imaatinka ergada ka timid Guriceel waxaana uu ka hadlkay Xaalka waxaana uu yiri.

“ Sadexdii nin ee dhimatay waxaan ka wadnaa midkiiba xaal dhan ( Lixdan milyan) oo xaal ah (Labaatan Malyan) oo duug ah iyo Qori, odayaaashii la socday sadexda dhimatay oo iyagana ay qaar dhaawac meen waxaa laga keenay midkiiba xaal dhan (Labaatan Milyan) iyo Kaarigii ay saarnaayeen oo isna laga bixiyay (lixdan iyo sagaal milyan)

Nabadoon Maxamed Aadan Rooble (Xood) oo u hadlay Odayaasha ka timid magaalada Guriceel ayaa dhinaciisa ka warbixiyay xalka laga gaaray wixii dhacay, waxaana uu sheegay in ay aad ugu qanceen xeerka iyo xaalka laga siiyay.

Heshiiskaasi ka dib ayaa Ergada labada dhinac waxaa ay ka balameen Diyadii Dadka geeriyooday iyo dhameystirka heshiiska, waxaana si wada jir u qabteen Guddi isku dhaf ah kaasi oo ka shaqeynaya dhameynta khilaafka iyo Xoojinta Nabada la gaaray.

Gudoomiyaha degmada Balambal Jaamac Xayle Maxamed oo gabagabadii halkaasi ka hadlay ayaa kaga mahad ceshay dhaqanka labada dhinac heshiiska ay gaareen.

DSCN7300 DSCN7315 DSCN7321 DSCN7322 DSCN7323 DSCN7324 DSCN7325 DSCN7327 DSCN7328 DSCN7331 DSCN7332 DSCN7333 DSCN7334 DSCN7335 DSCN7336 DSCN7337 DSCN7338 DSCN7343 DSCN7352

C/kariin Axmed Bulxan

Balanbal/ Soomaaliya

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo soo bandhigtay fursad shaqo

Next Post
Fursad shaqo oo ka bannaan golaha shacbiga

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo soo bandhigtay fursad shaqo

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada, Ciidamada Qalabka Sida...

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Kadib markii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in Ciidamada Qaranka ay qaadayaan howlgal kama dambeys...

Guddoomiyaha SoDMA iyo mas’uuliyiin kale oo booqday dadka abaaruhu ku saameeyeen Caabudwaaq

Guddoomiyaha SoDMA iyo mas’uuliyiin kale oo booqday dadka abaaruhu ku saameeyeen Caabudwaaq

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Reysal Qorane oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS), Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Wasiirrada Bariga Africa

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Wasiirrada Bariga Africa

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(ARUSHA):-Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Arusha ee dalka Tanzania loogu soo gebagebeeyey Shirkii 20-aad ee Wasiirrada Kaabeyaasha dhaqaalaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In