Tuesday, June 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 2, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 02 April 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dowladda oo deeq gaarsiisey Qaxootiga Yeminiinta ah, Madaxweynaha oo daahfuray mashruuca dalkaaga ku dhiso hal dollar, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT), Ciidamada GalMudug oo 3 Ajaanib ah oo Al-Shabaab ah Qabtay, Ciidamada Ammaanka oo fashiliyey Qaraxyo lala damacsanaa shacabka, Baarlamaanka oo ka howlgalay diyaarinta Qorshahaha Kalfadhiga 8aad, Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ruushka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland oo booqday dhaawacyadii dagaalkii Al-Shabaab, GalMudug oo soo afjartay dagaalkii firxadkii Al-Shabaab iyo Dowladda Federaalka oo in ka badan 2 milyan oo dollar u qoondeysay abaaraha dalka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

June 16, 2025

Dowladda oo deeq gaarsiisey Qaxootiga Yeminiinta ah

Dadka ka soo qaxay dagaalada dalka Yemen ee deegaanka ka dhigtay safaaradda dowladda Yemen ay ku leedahay magaalada Muqdisho oo iyagoo dhawaanahaanba xaaladooda ay liidatay ayaa 29kii Maarso 2016 waxaa deeq raashin ah gaarsiiyay wasiir ku xigeenka beeraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Casiis Saalax Carmaan. Qunsulka Yemen ee Somalia ayaa uga mahad celiyay wasiirka deeqda uu gaarsiiyay qoysaska qaxootiga ku ah safaaradda waxaana uu xusay in dadkaasi ay u baahan yihiin dadaal intaa ka badan. Gudoomiyaha degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir Siciid Cabdul qaadir ayaa u mahad celiyay wasiirka iyo hay’adaha caawinaya qaxootiga. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya mudane Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa u mahad naqay hay’adahii ka soo jawaabey cosdi uu u diray oo ahaa in la caawiyo dadka qaxootiga ah.

Madaxweynaha oo daahfuray mashruuca dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhiirigeliyay shacabka Soomaaliyeed inay iskood wax u qabsadaan, waddankoodana dhistaan. Madaxweynaha ayaa fiidkii 31kii Maarso 2016 xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho si rasmi ah daaha uga rogay mashruuc la magac baxay “Dalkaaga ku dhiso hal dollar’’. Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey maamullada kale ee dalka ka jira inay ku daydaan mashruucan oo degaannadooda ay ka hirgeliyaan, si loogu guuleysto hadafka dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u diray Soomaalida ku nool dalalka dibedda inay xoogga saaraan dib u dhiska waddankooda.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT)

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland ayaa xariga ka jaray 28kii Maarso 2016 Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT) oo ah mashruuc lagu horumarinayo Isgaarsiinta Gobollada dalka. Mudane Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, Mudane Guuleed Xuseen Qaasim iyo Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland, Mudane Maxamuud Xasan Soocadde, ayaa goob-joog ahaa madasha xarag jarista mashruuca ICT. Ra’iisul Wasaaruha ayaa sheegay in mashruucani uu wax badan ka badeli doono adeegga Isgaarsiinta dalka iyo isdhaafsiga Macluumaadka.

Ciidamada GalMudug oo 3 Ajaanib ah oo Al-Shabaab ah Qabtay

Ciidamada Ammaanka Dowlad Gobaleedka GalMudug ayaa 29kii Maarso 2016 gacanta ku dhigay Sadax nin oo Ajaanib ah kuwaas oo ka barbar dagaalamayay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab oo ay ciidamada Galmudug dagaal kula galeen Bariga Gobalka Mudug. Taliyaha Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad Sigidda NISA GalMudug, Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay in la qabtay Sadax nin Laba kamid ah ay dhalashadoodu tahay Kenyan iyo nin u dhashay Dalka Tanzania, kuwaas oo qeyb ka ah maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Abdullaahi Rabuu Mahamed oo kamid ah Ajaanibta la soo qabtay ayaa sheegay in iyagoo 12 Al-Shabaab ah laga soo qabtay deegaanka Gal Hagoog ee Gobalka Mudug gacantana ay ugu jiraan ciidamada Ammaanka.

Ciidamada Ammaanka oo fashiliyey Qaraxyo lala damacsanaa shacabka

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa 29kii Maarso 2016 fashilisay qaraxyo argagixisadu ay damacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed. Howlgalkaan lagu saaray walxaha qarxa waxaa si wada jir ah u fuliyay ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo ciidamada Booliska qeybta Miino Baarinsta. Gaari nuuciisu yahay kaarib yaallo Ex Madaxtooyadii Hore ee Cabdiqaasim ee Degmada Hodan kaas oo lagu xiray Walxaha qarxa ayaa shacabku u soo gudbiyeen Hay’adaha amniga iyagoo durbadiiba gaarigaas ka fur-furay Qaraxyadii ku xirnaa. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in gaarigaan la doonayay in dadka lagu dhibaateeyo laakiin xogta Shacabka lagu ogaaday arrintaan, taasoo badbaadisay dhimasho iyo dhaawac fara badan. Dhinaca kale ciidamada ayaa fashiliyey qarax kale oo lagu soo xiray gaariga uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo marayey nawaaxiga wadada Sayidka ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ciidamadu ku guuleysteen inay miinada ka furaan, iyadoo muwaadinkii gaarigiisa qaraxa loogu xiray uu ciidamada amniga uga mahadceliyay qaraxa ay ka badbaadiyeen.

Baarlamaanka oo ka howlgalay diyaarinta Qorshahaha Kalfadhiga 8aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa 28kii Maarso 2016 magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda si rasmi ah uga furay kulan howleed ku aadan diyaarinta qorsheyaasha Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayadoo kulankanna lagu marti qaaday Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood. Guddoomiye Jawaari ayaa uga mahad celiyey Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed kasoo qeybgalka shirkan. Jawaari ayaa sheegay in shaqada ugu muhiimsan ay tahay dhameystirka dib u eegista Dastuurka Dalka taasina looga baahan yahay Baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka ka jira iney gacan weyn ka geystaan taasi oo aheyd qodob ka mid ah is afgarad ay magaalada Muqdisho ku gaareen Guddoomiyeyaasha Golayaasha sharci dejineed ee dalka.

Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ruushka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 28kii Maarso 2016 xafiiskiisa warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha cusub ee waddanka Ruushka Mr Sergey Kuznetsov. Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay gacmo furan ku soo dhoweyneyso Danjire Kuznetsov, isla markaana Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto. Danjire Sergey Kuznetsov ayaa dhankiisa sheegay inuu si weyn u daneynayo xoojinta xiriirka labada dal, shirkadaha ganacsiga ee Ruushkana ay diyaar u yihiin inay maalgashadaan kana qeyb qaataan dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya. Munaasabadda waxaa goobjoog ka haa Wasiir Ku- Xigeenka Arrimaha Dibedda, Mudane Axmed Cali Kediye, Wasiirk Ku-Xigeenka Gaashaandhigga, iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland oo booqday dhaawacyadii dagaalkii Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo weheliyo Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdweli Maxamed Cali Gaas, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo Puntland, ayaa 28kii Maarso 2016 booqday qaar kamid ah dhaawacyadii ay wax yeelladu ka soo gaartay dagaalkii dhawaan ay la galeen Ciidamadda Puntland kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab. Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa mid mid u booqday dhaawacyada oo ku jirey Isbitaalka weyn ee magaalada Garowe, wuxuna ALLE uga baryey in uu Caafimaad siiyo, isagoo tilmaamay kuwa qaba dhaawacyada daran ay dawladdu gacan ka geysan doonto sidii ay u heli lahaayeen caafimaad dibedda ah.

GalMudug oo soo afjartay dagaalkii firxadkii Al-Shabaab

Dowladda Galmudug ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dagaalkii lagula jiray firxadkii Al-Shabaab la soo afjaray 28kii Maarso 2016. Ciidamada GalMudug oo muddo afar maalmood ah dagaal kula jiray firxadkii kooxihii argagaxisada ee ka soo cararay dhinaca Puntland ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan iyadoo halkaas argagaxisada looga guuleystay oo looga dilay 115 maleeshiyada ah, loogana qabtay maxaabiis gaaraya 110, halka in-yar ay baxsadeen. Madaxweynaha Dowlada Galmudug ee Soomaaliya mudane Cabdikarin Xuseen Guled ayaa ammaanay ciidanka Galmudug sheegeyna in dagaalkii afartii maalmood uu soo gabogaboobay ka dib markii argagaxisada looga itaal roonaaday. Madaxweyne Guled ayaa sheegay in maxaabiisa 110ka ah ay ciidanka iyo maamulkaba ula dhaqmayaan si waafaqsan diinta Islaamka, shuruucda dalka iyo shuruucda caalamka oo la dhowrayo xaquuqdooda isla markaasna loola dhaqmayo si wanaagsan. Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka, dowladda federaalka iyo beesha caalamka inay gacan xoogan ka geystaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah si looga sifeeyo dalka oo dhan. Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dhalinyarada ka tirsan maleeshiyaadka loo fidinayo cafis haddii ay nabada qaataan oo ay isu soo dhiibaan ciidamada.

Dowladda Federaalka oo in ka badan 2 milyan oo dollar u qoondeysay abaaraha dalka

27kii Maarso shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Gudiga Qaranka ee Gudmadka Abaaraha ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Ururada bulshada rayidka, Culumaa’udiinka iyo Dhalinyarada oo dhammaantood muujiyey sida ay diyaarka ugu yihiin ka qayb qaadashada abaaraha baahsan ee ku dhuftay qaybo badan oo ka mid ah goboladda dalka. Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibrahim Farketi oo xubin ka ah gudiga ayaa intii shirku socday wuxuu balan qaaday in dowladu bixinayso lacag gaaraysa 1,000,000 Milyan oo doolar si wax looga qabto Abaaraha ka jira dalka. Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa go’aamiyey in shaqaalaha Dowladda ay mushaharaadkooda ka jaraan lacago loogu talo galay abaaraha. Golahu waxey go’aamiyeen in halka milyan lagu daro lacag ka badan hal milyan iyo labo boqol oo kun oo dollar. Sidoo kale Guddiga heerka wasiir iyo Golaha wasiirada waxey ugu baaqeen beesha caalamka, ganacsatada iyo shacabka inay kaalmo ka geystaan gurmadka abaaraha dalka ka jira.

1 2 3 4 5 6

 

Previous Post

Tababbar la xiriira hogaaminta oo lagu soo gabo gabeeyay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Al-shabab oo dishay horjooge ajnabi ah oo kooxdaasi ka mid ahaa

Next Post
Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda

Al-shabab oo dishay horjooge ajnabi ah oo kooxdaasi ka mid ahaa

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka,...

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

June 16, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya...

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
0

The Somali delegation led by the Minister of Labour and Social Affairs Hon. Yusuf Mohamed Adan has concluded its participation...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In