Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 22, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 22 October 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; 35 Xildhibaanada Aqalka Sare oo la doortay, Madaxeynaha Dowlad Goboleedka HirShabelle oo la doortay, Madaxweynaha oo xariga ka jaray Mashruuca Nadaafada Muqdisho, Ra’iisul Wasaaraha oo kulamo lagu xalinayo colaadda Gaalkacyo la qaatay madaxda Galmudug iyo Puntland, Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka oo Shirka Horumarinta Dalka Gudoomiyey, Wasaarada Maaliyada oo dardargelineysa ururinta canshuuraha, Waddooyin laga dhisayo magaalada Cadaado oo la dhagax-dhigay, Booliska ilaalinaya Doorashooyinka oo tababar loo furay, Booliiska oo tayeynaya nidaamka Baarista Danbiyada, Miiniste Al-Shabaab ah oo gacanta lagu soo dhigay iyo Dib u eegista Dastuurka oo si habsami leh u socota.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

35 Xildhibaanada Aqalka Sare oo la doortay

Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo dhaqangelintiisa si wanaagsan u socoto. Dowlad Goboleedyada GalMudug, Jubbaland, Koofur-Galbeed iyo Puntland ayaa si habsami leh u soo doortay xubnihii Aqalka Sare u matali lahaa deegaanadooda. 16kii October 2016 ayaa Baarlamaanka GalMudug waxuu soo doortay xubnihii 8da ee u matali lahaa Aqalka Sare. Sidoo kale Jubbaland iyo KoofurGalbeed ayaa iyagana xubnahoodii soo doortay 19kii October 2016, halka Puntland ay soo doorteen xubnihii Aqalka Sare 20kii October 2016kii. Tanoo ka dhigeysa 65% oo ah 35 xubnood oo ka mid ah 54ta Aqalka Sare ayaa la soo doortay, halka 19ka harsan (11 Somaliland iyo 8 HirShabelle) dhowaan la soo dooran doono.

Madaxeynaha Dowlad Goboleedka HirShabelle oo la doortay

Gudoonka Baarlamanka HirShabelle ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada madaxwynaha Hirshabeelle oo uu ku guuleystay Cali Cabdulaahi Cosoble oo helay 61 cod halka musharaxi la tartamayay uu helay 36. Musharaxii laga guuleeystay mudane Waare ayaa u hambalyeeyay madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble isagoo qiray in uu ku qanacsanyahay habka doorashadu u dhacday. Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa lagu dhaariyay isla madashii lagu dooratay. Sidoo kale doorashadii Madax ku xigeenka ayaa waxaa ku guuleystay Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ooh ore u ahaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha oo xariga ka jaray Mashruuca Nadaafada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 17kii Oktoober 2016 si rasmi ah xarigga uga jaray Mashruuca Nadaafada caasimada Muqdisho oo ay hirgelineyso shirkadda nadaafadda deegaanka ee ECCO oo ah shirkad gaar loo leeyahay, waxaana sidoo kale munaasabaddaasi ka qeyb-galay Duqa Muqdisho, wasiirro, xildhibaanno, maamulka shirkadda, saraakiisha ciidanka, qaar ka mid shaqaalaha shirkaddaasi iyo fannaaniin. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale Madaale, ayaa sheegay in u jeedada mashruuca dhanka nadaafadda ah ay tahay horumarinta caasimadda, waxa uu ballan qaadey in ay gacan siin doonaan, isla markaana lagula xisaabtami doono shaqada ECCO. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku boggaadiyey Dowladda Hoose ee Xamar tallaabada ay u qaadey dhiiragelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo mashruuca nadaafadda gobolka Banaadir ee ECCO tanoo bilicdii caasimada soo celin doonta isla markaasna ay dhalinyarada u noqoneyso shaqo abuur.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulamo lagu xalinayo colaadda Gaalkacyo la qaatay madaxda Galmudug iyo Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalooyinka Cadaado iyo Garoowe ayaa ayaa kulamo looga hadlayo xal ka gaarida xiisadaha ka jira magaalada Gaalkacyo la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada GalMudug iyo Puntland. Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si aad ah ula dardaarmay mas’uuliyiinta labada dhinac iyadoo ujeedadu aheyd sidii loo qaboojin lahaa colaadda Gaalkacyo. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa diirada saarayey muhiimada dhaqangelinta heshiisyadii nabadeynta ay labada dhinac horey u wada gaareen.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka oo Shirka Horumarinta Dalka Gudoomiyey

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa 20kii October 2016 gudoominayay shirka bilaha ah ee horumarinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha oo lagaga hadlay waxqabadka dowladda, waxaana kasoo qeybgalay Wasiirka Gaashandiga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheeynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirada qorsheeynta maamul goboleedyada, saraakiil katirsan safaaradaha jooga dalka iyo hey’adaha caawiya Soomaaliya. Mudane Carteh ayaa khudbadiisa kaga warbixiyay dhismaha maamulka HirShabelle, doorashooyinka aqalka sare, dib u eegista miisaaniyadda dalka, iyo tayeeynta shaqaalaha dowladda. Mudane Maxamed Carteh wuxuu ka hadlay muhiimada uu leeyahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo noqul kiisii ugu dambeeyay la horkeenay shirka, isaguu u mahadceliyay Wasaaradda qorsheeynta sida ay xil isaga saareen diyaarinta Qorshahan.

Wasaarada Maaliyada oo dardargelineysa ururinta canshuuraha

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa 18kii October 2016 shaaca ka qaaday in shirkad gaar ah loo xilsaaray qaadista lacagaha Canshuurta ee saaran gaadiidka. Wasiirka, ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyada ay bedeshay qorshihii lacagaha Canshuurta looga qaadi jiray gaadiidka ka shaqeeya Gobolka Banaadir wuxuuna intaa ku daray in laga gudbay dhibaatooyinkii gaadiidleeydu ku qabeen goobo badan oo lagu qaado canshuuraha. Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa sheegay in Wasaarada ay sameysay Xarumo gaar ah oo gaadiidleeyda looga qaadi doono lacagaha Canshuurta.

Waddooyin laga dhisayo magaalada Cadaado oo la dhagax-dhigay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka GalMudug ayaa 18kii October 2016 dhagax dhigay afar waddo oo laga hirgelinayo magaalada Cadaado. Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in adeegyada bulshada in la gaarsiiyo dhammaan shacabka GalMudug waxaa muhiim ah in waddooyinka la dayactiro si loo fududeeyo ganacsiga iyo isu socodka oo horumarka deegaanka muhiim u ah.

Booliska ilaalinaya Doorashooyinka oo tababar loo furay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa siminaar uga furay Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo loo sooxuley inay ilaaliyaan ammaanka Goobaha Doorashooyinka. Xafladda tababarka lagu furayay ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska, iyadoo Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud uu saraakiisha kula dar daarmay inay ka faa’iideystaan siminaarka.

Booliiska oo tayeynaya nidaamka Baarista Danbiyada

Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa 17kii October 2016 lagu soo gabo gabeeyay siminaar ku saabsan Horumarinta Farsamada Baarista Dembiyada, kaas oo muddo laba maalmood ah ugu socday Saraakiisha Booliska, gaar ahaan inta ku shaqada leh hawlaha baarista Dembiyada, sida Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID, Qaybaha Booliska G/Benaadir, Saldhigyada Booliska G/Benaadir, Ciidamada sida gaarka ah u hawlgala, qaybta ilaalinta canshuraha & dhaqaalaha, iyo Qaybta Nabadgelyada waddooyinka. Aqoon-iswaydaarsiga oo ay casharo wax ku ool ah ka bixinayeen Saraakiil Sare oo Ciidanka ka tirsan, Xeer ilaalinta Dalka iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamdda G/Banaadir. S/Guuto Maxamed Yususf Cumar Madaale, ayaa sheegay in la hagaajin doono habraaca shaqada Baarista Dembiyada, in la joogteeyo kulamada lala qaato Xeer ilaalinta & garsoorka. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Saraakiisha u sheegay in shacabka ay naga sugayaan inay caddaalad helaan, haddaan shaqada boliiska ee xagga baarista la horumarinna aysan dadwaynuhu heli Karin caddaalad. Taliyaha aad uga mahadceliyay Macalimiintii aqoontooda ku kordhiyay Sarakiihsa Booliska iyo Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka, isagoo ka soo qaybgalayaasha siminarka kula dar daarmay in ay Aqoontooda horu mariyaan, wax walba oo ay qabanayaan ay Alle dartii u qabtaan una shaqeeyaan Shacabkooda ka sugaya adeegga helidda caddaalad iyo sinaan.

Miiniste Al-Shabaab ah oo gacanta lagu soo dhigay

Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa 15kii October 2016 Gacanta ku dhigay Miiniste Al Shabaab ah iyo Qaraxyo uu diyaariynayay oo uu doonayey in dadka Muslimiinta ah uu ku halligo. Ciidanka Nabadsugidda maamulka K/Galbeed ee Baydhabo oo waday Howlgallo ay ku baadigoobayeen dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab oo Doonaya in ay carqalideeyaan Habsami u socodka Doorishooyinka ka dhacaya deegaanada Koofurgalbeed. Waxaana Ciidanka u suurtagashey in ay gacanta ku soo dhigaan Nin diyaariyey Qaraxyo dhowr ah islamarkaasna Ciidanka muddo ay Dabajoogeen kadibna ay Qabteen isga oo Miino ku aasaya Iradka hore ee Guri uu Daganaa Taliyaha Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Koofur-Galbeed.

Dib u eegista Dastuurka oo si habsami leh u socota

Wasaaradda Dastuurka ee Dowladda Federaalka waxa ay mar kale furtay tababar la xiriirta dib u eegista Dastuurka. Tababarkan ayaa waxaa ka qeygalay mas’uuliyiin iyo shaqaale ka kala socday Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada. Siminaarka ayaa lagu soo bandhigay qodobada uu ka koobanyahay dastuurka oo ay ka mid tahay Federaalka ee u baahan dib u eegista iyo sida la isku waafajin karo Xeerarka dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada si waafaqsan Qaranimada dalka. Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in ay u baahan yihiin talooyinka dadka si ay u cadaato awoodaha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. 27-ki bishii July ee sanadkii 2015 ayaa Barlamanka Federaalka waxa uu soo saaray qaraar qeexaya in guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka uu soo saaro tabta loo wajahayo dastuurka, waxaana tan iyo markaasi socday kulamo iyo doodo la xiriira dib u eegista qodobada farsamo iyo kuwa siyaasadeed ee Dastuurka.

1 2 3 4 5 6 7 9

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Xafladda Caleemo saarka Madaxda Hirshabeele oo ka socoto Jowhar

Next Post
Ergada shirka Jowhar oo billaabay aqrinta Dastuurka maamulka Labada Gobol(Sawirro)

Xafladda Caleemo saarka Madaxda Hirshabeele oo ka socoto Jowhar

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In