Sunday, May 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 5, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 05 November 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha oo xariga ka jaray Xarunta Ciidanka Cirka, Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirka Midowga Yurub, 8 Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay Goof-Gaduud, Ciidamada oo gacanta ku soo dhigay dambiilayaal dilay Oday Dhaqameed, Xarunta Hoballada Qaranka oo xariga laga jaray, Ciidanka oo howlgal ku soo bad-baadiyey Haweeney Kenyan ah, Madaxda GalMudug iyo Puntland oo heshiis ka gaaray dagaalka Gaalkacyo, 137 Arday oo Deeq waxbarasho u aaday dalka Suudaan iyo Dayactir lagu sameeyey wadooyinka Kaxda.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

May 11, 2025
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025

Madaxweynaha oo xariga ka jaray Xarunta Ciidanka Cirka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1dii November 2016 xariga ka jaray xaruntii Ciidamada Cirka. Munaasabadda dib u howlgalinta Xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisyoone ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Ciidamada Cirka iyo Nabad Sugidda Qaranka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya. Taliyaha Ciidamada Cirka Gen. Maxamuud Shiikh Cali ayaa sheegay in xaruntan ay aheyd meeshii ugu horeysay ee lagu aasaasay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale taliyaha waxa uu bogaadiyay dhamaan dadkii gacanta ka geystay dib u dayactirka xarunta ciidamada cirka oo in muddo ah aanan lagu shaqeyn. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay dib u dayactirka xarunta ciidamada cirka oo uu sheegay in ay ka muuqatay bur bur xoogan, waxa uuna taliska ciidamada cirka kula dar daarmay in ay dar dar galiyaan howlaha baaxadda leh ee ay u hayaan dalka iyo dadka, si dalka looga samata bixiyo dhibaatada mudada dheer soo jiitameysay.

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirka Midowga Yurub

Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 3dii Noveember 2016 waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Veronique Lorenzo islamar-kaana ay Madaxweynaha soo gaarsiisey fariin ay ka waday madaxda Midowga Yurub. Safiirka cusub Veronique Lorenzo ayaa uga mahad-celisey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadaheeda aqoonsiga ee Safiirnimo. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xiriir qoto dheer la lahayd Midowga Yurub, waxuuna safiirada kula dardaarmay inay sii dar-dar geliso xoojinta xiriirka labada dhinac. Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey Midowga Yurub sida ay marwalba door fiican uga qaataan xoojinta xiriirka Soomaaliya, waxaana uu u rajeeyey Veronique Lorenzo inay dowladda kala shaqeeyso mashaariicda dib-udhiska dalka.”

8 Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay Goof-Gaduud

Sideed ka tirsan Maleeshiyadda Kooxda Al-shabaab ayaa 30kii Oktoober 2016 la dilay, iyadoo tiro intaasi ka badanna lagu dhaawacay kadib dagaal ka dhacay deegaanka Goof-Guddud ee Gobolka Baay oo ay isaga hor yimaadeen Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyada Al-Shabaab. Maleeshiyaadkii goobtaasi lagu dilay aayaa waxaa ka mid ahaa ku xigeenkii Kooxda Alshabaab u qaabilsaa Gobolada Baay iyo Bakool.

Ciidamada oo gacanta ku soo dhigay dambiilayaal dilay Oday Dhaqameed

Ciidamada Ammaanka degmada Wadajir ayaa 2dii November 2016 gacanta ku dhigay iyaga iyo hubkoodaba laba nin oo toogasho ku dilay Nabadoon Hilowle Xaafow, xilli uu ka soo baxayey Masaajid ku yaalla xaafada Xaawo Taako. Ciidamada degmada oo kaashanaya Shacabka ayay u suurtagashay in ay maleeshiyadaasi dhaawacaan, isla markaasna gacanta ku dhigaan. Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha hay’adaha ammaanka ee gobolka iyadoo Maleeshiyada iyo hubkoodaba ay la wareegeen Ciidammada Ammaanka. Tallaabada ay qaadeen ciidammada degmada Wadajir oo kaashanaya Shacabka ayaa si weyn loo soo dhoweeyey.

Xarunta Hoballada Qaranka oo xariga laga jaray

Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Qamar Cali Cumar ayaa 30kii Oktoober 2016 xariga ka jartay xarun loogu talo galay in Hobollada Qaranka ay ku diyaariyaan barnaamijyada wacyi galinta ah. Xaflada waxaa goob joog ahaa Wasiirka Warfaafinta, xildhibaano ka tirsan barlamaanka soomaalia, qeybaha bulshada, iyadoo fanaaninta qaranka oo munaasabada kuso bandhigeen heeso wadani ah. Marwada madaxweynaha Soomaalia Qamar Cali Cumar oo uu wehliyo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa kormeeray qeybaha xaruntan ka koobantahey. Abwaan Cabdi dhuux Yuusuf Xasan oo ah Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka ayaa sharaxey ahmiyada xaruntani hobalada qaranka iyo bulshada soomaaliyeed u leedahey. Xildhibaan Qadiijo Maxamed Diiriye iyo xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa ayaguna si wada jir ah marwada Madaxweynaha ee dalka ugu bogaadiyey dadaalada ay ku dayactirtay xarunta bulshada lagu wacyi galin doono.

Ciidanka oo howlgal ku soo bad-baadiyey Haweeney Kenyan ah

Dowlad Goboleedka GalMudug ayaa magaalada Cadaado ku soo bandhigay 30kii Oktoober 2016 haweeney Kenyan ah oo habeenkii 29ka Oktoober ay ciidamada Nabadsugiddu hawlgal ku soo badbaadiyeen. Ciidanka ayaa hawlgalka ka fuliyey deegaanka Camaara ee gobolka Mudug iyagoo soo badbaadiyeen Ms Loise Njoki Weru oo ah haweeney Kenyan ah oo 2-sano u qafaalneed koox burcad ah. Madaxwayne ku xigeenka GalMudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa haweeneydaas ku soo dhaweeyay xafiiskiisa. Loise Weru ayaa sheegtay in kooxda ay u qafaalneed ay ula dhaqmayeen si naxariis dara ah, oo xitaa aysan helin biyo ay cabto xilliyada qaar, balse maanta ay ku faraxsantahay in la soo badbaadiyay.

Madaxda GalMudug iyo Puntland oo heshiis ka gaaray dagaalka Gaalkacyo

Madaxweynayaasha Puntland iyo GalMudug ayaa heshiis ka gaaray dagaalada degmada Gaalkacyo. Shir ay Madaxweynayaasha Labada Dowlad Gobleed ee Puntland iyo GalMudug ku yeesheen Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayey isku afgarteen Heshiis ka kooban Shan Qodob, kaas oo lagu joojinayo Colaada magaalada Gaalkacyo. Qodobada Lagu Heshiiyay Waxaa ka mid ah in si dag dag ah Xabadda Loo joojiyo, iyo in kulan dag dag oo lagu soo af-jarayo colaadda Gaalkayo ay 20-ka Bishaan isugu yimaadaan Magaalada Kismaayo. Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweyneyaasha Dowlad Gobaleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed, iyo Hir-Shabeelle.

137 Arday oo Deeq waxbarasho u aaday dalka Suudaan

Ardaydan gaareysa 137 ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta Safaarada Soomaaliya iyo Guddiga Ardeyga Soomaaliyeed ee Sudan. Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo markii ay soo gaareen Khartuum kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dufcadani ay tahay tii 8aad ee ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya keento dalka Suudaan laga soo bilaabo 2009 ilaa haatan. Ardeydan ayaa ku guuleystay imtixaanka deeqda waxbarasho ee dalka Sudan u fidisay Soomaaliya.

Dayactir lagu sameeyey wadooyinka Kaxda

Wadooyin hor leh oo laga furay Kaxda ee Gobolka Banaadir iyo dayactirka lagu sameeyey wadooyin burbursanaa oo caqabad ku ahaa dadka iyo Gaadiidka Dadweynaha. Maamulka iyo qaybaha bulshada ee Kaxda oo iskaashanaya ayaa ku guulaystay furidda wadooyin dhexmara xaafadahaas, taasi oo bilaw u ahayd qorshaha Maamulka ee dib u soo nooleynta kaabayaasha adeega bulshada. Wajigii labaad ee qorshaha dib u dhiska waddooyinka Kaxda ayaa 3dii Noveeember bilowday, iyadoo ay socdaan furidda waddooyinka dhaxmara Kaxda. Guddoomiyaha Kaxda Mudane Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi ayaa sheegay in bulshadu ay isku tashi Wadajir ah muujisey oo Maamulka iyo Qaybaha Bulshada ay ku guulaysteen dhismaha iyo furida Wadooyin horleh oo dhaqaalaha ku baxaya ay iska soo arruuriyeen Qaybaha Bulsahada.

unnamed unnamed (8) unnamed (6) unnamed (5) unnamed (4) unnamed (3) unnamed (2) unnamed (1) 3 2

 

Previous Post

Doorashada Aqalka Hoose oo ka bilaabatay Garoowe iyo mudanihii ugu horeeyay oo la doortay

Next Post

Shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar oo mushaarkooda ku bixinaya dib u dhiska waddooyinka

Next Post
MUUQAALKII MUQDISHO MEEL HA LA SAARO” Warbixin iyo Sawirro”

Shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar oo mushaarkooda ku bixinaya dib u dhiska waddooyinka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

May 11, 2025
0

Xafladda Somali Night Awards oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Danjiraha...

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hadimo-sharafeed soo dhaweyn ah u sameeyey Hoggaamiyaha Dowlad...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay...

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran  ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adaha dowladda federaalka ayaa maanta isugu yimid kulan muhiim ah oo lagu lafagurayo, laguna ansixinayo Qorshaha Qaran ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In