Friday, May 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 26, 2016
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 26 November 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Doorashooyinka Golaha Shacabka oo si habsami leh u socda, Madaxweynaha oo xariga ka jaray Wadada 26ka Juun, Isbitaalka Xooga oo dib u dhis lagu sameynayo, Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo soo saara agabyo farsamada gacanta, Muwaadin gurigiisa dib loogu soo celiyey ka dib muddo 20 sano ka badan oo si sharci daro ah looga heystay, Ciidamada Amniga oo Howlgal amniga lagu sugayo ka wado dalka, Dhismaha Jaamicada Galgaduud oo lagu dhagax-dhigay Cabuudwaaq, Booliiska oo wada qorshaha isdhexgalka bulshada iyo Dhismaha wadada Hobyo iyo Galkacyo oo meel fiican mareysa.

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025

Doorashooyinka Golaha Shacabka oo si habsami leh u socda

In ka badan 50% xildhibaanada Golaha Shacabka oo si habsami leh loogu soo doortay gobollada dalka, inta harsana la rajeynayo in dhowaan la soo gabogabeyn doono. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku ammaanay Dowlad Goboleedka Jubbaland oo soo dhameystiray doorashooyinka Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee loo asteeyey deegaanadaas oo doorashooyinkooda ay ka dhaceen Kismaayo. Waa markii ugu horreysey ee taariikhda Soomaaliya oo doorashooyin Dadban oo noocan oo kale ay dalka ka dhacaan muddo ka badan 47sano. Doorashooyinkan ayaa ka sharciyad xoogan, ka matalaad fiican, kuwii 2012 iyadoo Garowe, Adaado, Jowhar, Baydhabo, Kismaayo iyo Muqdisho ay ka dhacayaan doorashooyinka. Tani waa tallaabo wanaagsan ee dhanka dimoqraadiyada ee Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso.

Madaxweynaha oo xariga ka jaray Wadada 26ka Juun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 21kii November 2016 xarigga ka jiray Wadada 26ka Juun ee Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho oo dib u dhis lagu sameeyey muda ka badan 26 sanno ka dib. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Yusuf Xuseen Jimaale ayaa sheegay in dib u dhiskaan lagu sameeyey wadada 26ka Juun oo ay ka qeyb ka tahay baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo ahaa dalkaaga dhiso. Madaxweynaha ayaa baaq u diray maamullada ka jira gobollada dalka “Dadka Soomaaaliyeed ee ku nool gobollada dalka waa in ay billaabaan mashruucaan oo kale ee lagu dhisayo waddooyin dalka si dhaqaalaha dalku u sii xoogeysto. Ugu dameyntii, Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey umadda Soomaaliyeed sida ay diyaar ugu yihiin ka qeyb qaadashada qorashayaasha dowladda ay dib ugu dhiseeyso dalka, iyada oo la isku tashanayo si looga maarmo kaalmo shisheeeye.

Isbitaalka Xooga oo dib u dhis lagu sameynayo

Munaasabad kooban oo loo sameeyay dib u dhiska Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayna ka qeybgaleen Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’ado ka qeyb-qaadanaya dib u dhiska ayaa 24 November 2016 lagu qabtay Xaruunta Isbitaalkaasi ee Magaalada Muqdisho. Xafladda oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Madax ka socota Bancroft iyo UNOPS, waxaa ujeedkeedu uu ahaa dhameystirka Mashruuca dhismaha Isbitaalka Xoogga Dalka, waxaana halkaasi hadallo ka jeediyay Wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, isagoo sheegay in Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu yahay isbitaal taariikh weyn leh islamarkaana Dowladda Talyaaniga ay weligeed taageeri jirtay.

Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo soo saara agabyo farsamada gacanta

Xabsiga dhexe ee Xamar gudahiisa waxaa laga hirgaliyey Xarumo loogu talagalay in wax lagu baro maxaabiista. Warshada farsamada gacanta lagu barto iyo madaaris waxbarasho Dugsi hoose ilaa iyo Jaamacad ayaa laga hirgliyey Xabisga dhexe ee Xamar, Maxaabiista ayaana iminka soo saaraya Agabyo kala duwan oo sida loo sameeyo ay bareen Xirfad-yahano Taliska Ciidanka Asluubta ka tirsan. Warshadda Tababarka Maxaabiista ee Xabisiga dhexe ee Xamar ayaa soo saarta Agabyo isugu jira Qalab xafiiseedka oo dhameystiran, kuraasta iyo Miisaska waxbarashada, Qoryaha Macmalka ah ee Ciidanka lagu tababaro iyo Toliinka dharka, iyadoo intaas ay sii dheertahay in Maxaabiista Xabisga dhexe hadda ay bilaabeen sameynta Qalabka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Muwaadin gurigiisa dib loogu soo celiyey ka dib muddo 20 sano ka badan oo si sharci daro ah looga heystay

Muwaadin Axmed Abuukar Axmed oo Mudo ka badan 20 sano si sharci darro ah looga haystay gurigiisa oo ku yaalla degmada Shibis ee Gobalka Banaadir ayaa 20kii November 2016 waxaa furaha gurigiisa ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada Booliiska ay ka saareen dadkii sharci darrada ku dagnaa. Axmed Abuukar Axmed oo ah muwaadinkii gurigiisa lagu wareejiyay ayaa u mahad celiyay Maamulka Gobalka Banaadir iyo ciidanka Boliiska qeybta Gobalka. “Waa laga gudbay xiligii maatada la dulmin jiray ama la is xoogi-jiray qof kasta sharciga ayaa ka weyn, marka ma socon doonto iyadoo dowlad ay jirto in wax xoog lagu haysto” ayuu yiri G/sare Bishaar.

Ciidamada Amniga oo Howlgal amniga lagu sugayo ka wado dalka

Ciidamada amniga ayaa 20kii November 2016 howlgalkan amniga ay ka fuliyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka banaadir oo ujeedadu aheyd in lagu xoojiyo amniga caasimadda, iyadoo ciidamada ay baarayeen xaafadaha degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ee gobolka banaadir, halkaas oo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah, kuwaasi oo ciidamada ay isugu keeneen goobo cayiman oo lagu kala saarayay, waxaana ay ciidamada xabsiyada u taxaabeen tiro dad ah oo looga shakiyay inay ka tirsanaayeen dhagarqabayaasha Al-Shabaab iyo kuwa kale oo lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya. Taliyaha Qeybta guud ee booliska G/Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geeddi ayaa dhankiisa tilmaamay in howlgaladan ay ka duwanyihiin howlgalladii hore ee ay ciidamadu sameyn jireen, isagoo xusay in lagu soo qabtay ku dhawaad 20 qof oo looga shakinyahay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab, ayna u gudbin doonaan laamaha dambi baarista qaabilsan. Howlgalada amniga lagu xoojinayo ayaa qeyb ka ah sidii loo sugi lahaa Nabad gelyada guud ee Caasimadda.

Dhismaha Jaamicada Galgaduud oo lagu dhagax-dhigay Cabuudwaaq

Munaasabad lagu dhagax dhigayay dhismaha Jaamacadda Galgaduud ayaa 19kii November 2016 lagu qabtay dhul loogu talagalay in ay yeelato Jaamacada ee magaalada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud. Munaasabadda dhagaxdhigga waxaa ka qeyb-galay Maamulka Jaamacada, Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Degmada, qaybaha Bulshada iyo ardayda wax ka barata Galgaduud Universty. Maamulaha Jaamacada Galgaduud Maxamuud Dirir ayaa dhagax dhiggay, kaddibna sheegay in jaamacadan lagu baahindoono dhamaan gobollada dalka, isagoo xusay in dhismahan cusub uu qeyb ka yahay horumatinta jaamacadda.

Booliiska oo wada qorshaha isdhexgalka bulshada

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa 19kii November 2016 kulan damaashaad ah magaalada Muqdisho kula qaatay qaar ka mid ah dadweynaha ku nool degmooyinka gobolka Banaadir. Kulanka damaashaadka ah ayaa ka dhacay Beerta-Nabadda ee magaalada Muqdisho, waxa uuna dhexmaray saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya oo muddo sannad ah tababar ugu maqnaa dalka dibeddiisa, kuwaas oo ah dhallinyaro aqoonyahanno ah oo wax ku soo bartay Jaamacadaha iyo dugsiyada dalka iyo dibedda ku yaalla. Ujeeddada kulanka damaashaadka ah waxa uu ahaa sidii Booliska Soomaaliyeed ay u dareensiin lahaayeen Bulshadooda in ay iyagu u adeeggaan, isla markaana ay tusaan in ay yihiin saaxiibka koobaad ee Bulshada. Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyey bulshadii ku sugneyd xarunta beerta-nabadda ee magaalada Muqdisho, waxa uu intaa raaciyey in mar walba Boolisku ay u heelan yihiin in ay fuliyaan wax walba oo ay bulshadoodu jeceshahay, sida nabaddooda iyo horumarkoodu.

Dhismaha wadada Hobyo iyo Galkacyo oo meel fiican mareysa

Waxaa meel wanaagsan maraya dhismaha waddada xiriirisa magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkaacyo ee gobolka Mudug, iyadoo guddiga ku hawlan dhismuhu uu codsaday in lagu taageero hawshaas. Guddiga ku hawlan dhismaha Waddada ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ka shaqaynayay inta u dhaxaysa deegaanada Gawaan iyo Wazil, oo hadda gaba-gabo maraysa, waxaana ku sii xiga 30-km uu u dhaxaysa Hobyo iyo Gawaan oo ah meesha ugu daran ee marista gaadiidku ku dhibanyihiin. C/qaadir Maxamed Cosoble oo ah gudoomiyaha gudiga ee mashruucan maamulaya ayaa ka waramay sida hawsha dhismuhu u socdo. Dabeecad ahaan dhulkan mashruuca dhismaha wadadu ka socdo waa Bacaad, dooxooyin iyo Dhagax, bilo ka hor gaadiidka yar yar ayaa si dhib leh ku marayay, balse maanta waxaa ka muuqda isbadal wayn.

unnamed (1) unnamed unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (1)unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7)  unnamed

 

Previous Post

Wejiga 3aad ee doorashada Aqalka Hoose oo maanta ka bilaabaneysa Baydhabo

Next Post

Mas’uuliyiin gaaray deegaankii shalay lagu dagaalamay ee duleedak Beledweyne

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Mas'uuliyiin gaaray deegaankii shalay lagu dagaalamay ee duleedak Beledweyne

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In